Somaliland: Wasiirkii Hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ku Geeriyooday Boorama

0
765

Boorama, (HargeisaPress) —Allaah ha u naxariistee  marxuum Maxamuud Axmed Barre Garaad oo ahaa Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa ku geeriyooday magaalada Boorama gelinkii hore ee maanta. Marxuum Maxamuud Axmed Barre, ayaa aas loogu sameeyey magaalada Boorama, iyadoo madaxweynaha Somaliland tacsi u diray qoyska iyo qaranka Somaliland ee marxuumku ka baxay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa waayeelka, waxgaradka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid alle ha u naxariisteeMarxuum Maxamud Axmed Barre Garaad oo saaka 24/06/2015 ku geeriyooday Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahankii iyo waxgaradkii kaalinta mugda leh ka soo qaatay dhismaha, iyo taabo gelinta qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo haldoorkii, hogaamintiisu tusaale fiican ay u ahayd jiilasha soo kacaya.

Waxaanu ahaa oday qaran oo ka baxay dalka iyo shacbiga Somaliland-ba, isaga oo muddo dheer ka mid ahaa xubin sharafeed Golaha Guurtida ka tirsan, muddooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa Golaha Wasiirrada.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Jannatu Fardawsa ka waraabiyo, waayeelka, waxgaradka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi dhambaalka tacsida ah ee ka soo baxday madaxtooyada maanta.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa tacsi u diray marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo magaalada Boorama lagu aasay shalay, dhambaalkaas tacsida ah oo faahfaahsana waxa uu u dhignaa sidan;

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhambaal tacsi ah u diraya siyaasiyiinta, aqoonyahanka, wax-garabkad, madax-dhaqameedka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Allaah ha u naxariistee wasiirkii hore Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland marxuum: Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo in muddo ah xannuun uu u jiifay awgeed ugu geeriyooday magaalada Boorama 24.06.2015.

Md. Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuumku, isaga oo marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alleh ka cabsi badan oo Ilaahay ugu hoggaansama, dadkuna ay ka nabad-galaan, laguna yaqaanay cibaado badan iyo camal suuban, waxaa kale oo uu ku tilmaamay in uu ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee ruug cadaayada ah salkana u dhigay hannaanka geedi-socodka nabadda ee dalka, isaga oo sida oo kalena marxuumku ahaa mas’uul qaran oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladda Somaliland iyo dawladii waagii hore la’ isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaa kale oo uu Ilaahay uga baryeyaa in uu marxuumka godka u nuuriyo, janatul Fardawsana uu ka waraabiyo, ehel, qaraabo iyo guud ahaan shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here