Somaliland: Wasiirka Caddaaladda Oo Shaaciyay Magacyada Garsooreyaal Guddida Caddaaddu Isku Bedel iyo Shaqo Ka Saaris Ku Samaysay

0
1010

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa maanta shaaciyay isku bedel iyo xil ka qaadis lagu sameeyay garsooreyaal.

Qaraal uu wasiirku soo saaray wuxuu ku sheegay in Guddida Caddaaladdu go’aamisay isku bedelka iyo shaqo eryidda garsooreyaasha.

1. Garsooreyaasha la Magacaabay

Ø   Yuusuf Liibaan Cumar, waxaa loo magacaabay  Gudoomiyaha Maxakamadda rafcaanka ee gobolka Sanaag;

Ø   Maxamed Cabdillaahi Kabadhe, waxaa loo magacaabay Garsoore Maxakamadda Degmada Hargeysa;

2.  Garsooreyaal la bedelay

Ø  Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid, waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxakamadda degmada Hargeysa, waxaana loo bedelay garsoore Maxakamadda Gobolka Maroodijeex;

Ø  Mukhtaar Daahir Jibriil, waxaa laga bedelay Garsoore Maxakamadda Degmada Salaxley, waxaana loo bedelay garsoore Maxakamadda degmada Sayla;

Ø  Iliyaas Daa’uud Ibraahim, waxaa laga bedelay garsoore Maxakamadda Saylac, waxaana loo bedelay Degmada Sallaxley;

3.  Anixin iyo bedel kuxigeenno Xeer Ilaaliyeyaal Guud

Ø  Aadan Salaad Seed, waxaa loo ansixiyay bedelkii loo bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maroodijeex;

Ø  Yuusuf Biixi Maxamed, waxaa laga bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Saaxil, waxaana loo bedelay Madaxa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Gabiley;

Ø  Xuseen Cali Khayre, waxaa laga bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Maroodijeex,waxaana loo bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Togdheer;

4. Shaqo Ka saarid

Ø  Garsoore Cabdisalaan Xaaji Xirsi, waxaa laga saaray shaqadii Garsoorka;

Qoraalkan waxaa ku saxeexnaa Wasiirka Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here