Somaliland oo Si Weyn U Taageertay Heshiiskii Dhexmaray Israa’iil iyo Imaaraadka

0
3164

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Soamliland ayaa si weyn u taageertay heshiiskii dhexmaray Israa’iill iyo Imaaraadka Carabta.

Somaliland ayaa ku biirtay Jarmalka, Masar, Baxrayn, Cumaan, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska iyo Qaramada Midoobay oo iyagu hore u taageeray heshiiskaasi u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Ambasador Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa sheegay in heshiiskani uu tusaale wanaagsan u yahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay damaca weligii ah ee nabad ku helidda deriska.

“Annagoo ah dad jecel nabada waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex dhexaadka ahaa ee dhexmarey Isutaga Imaaraatka carabta iyo Israa’iil taas oo lagu badalay qaadida is miidaaminta miiska (la joojiyo codsiyada madaxbanaanida aagagga Daanta Galbeed).ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar sidaa bartiisa Twitterka ku qoray.

“Heshiiska ayaa tusaale wanaagsan u ah isbahaysiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida gobolka iyo iskaashiga, ”ayuu intaasi si raaciyay.

Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa hore u ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here