Hay’adda Shaqaalaha Somaliland oo Shaacisay Inay Bilaabayso Hubinta Shaqaalaha Dowladda Ee Rasmiga Ah

0
1136

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland ayaa shaaciyey in dib u qiimeyn lagu sameyn doono shaqaalaha dowladda ee laba sanno ka hor madaxtaabashada lagu sameeyey si loo hubiyo xogtii laga qaaday, isla markaana la xaqiijiyo in ay ku sugan yihiin goobahoodii shaqo.

Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dowladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, wuxuu sheegay in arrintaasi tahay mid ay ku qiimeynayso hay’adda shaqaaluhu kuna hubinayso in qorshihii loogu talo galay shaqaalaha loo maray, isaga oo intaas ku daray in ay hawshaas bilaabayaan maalinta bari ah ee lix iyo tobanka bishan aynu ku jirno, isla markaana hawla-wadeeno kala duwan ay u kala diri doonaan gobollada dalka, iyada oo laga bilaabi doono caasimadda Hargeysa.

Waxa kale, oo uu guddoomiyuhu xusay in ay dhamaadkii bishii hore ku wargeliyeen wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada in ay sameyn doonaan hubinta iyo xaqiijinta shaqaalaha dawladda ee rasmiga ah, isla markaana qaata mushaharka joogtada ah, taas oo la qorsheeyey in 25% ka mid ah shaqaalaha dawladda lagu sameeyo dib u hubin guud ahaan gobollada dalka oo dhan shaqaalaha ka hawlagala, tiradaas shaqaalaha la xaqiijinayo oo dhan afar kun saddex boqol iyo laba iyo sideetan shaqaale ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Farxaan Aadan Haybe, waxa uu ku wargeliyey wasaaradaha dawladda in gacan ay ku siiyaan hawl-wadeenada gacanta ku haya arrintaas, isaga oo u soo jeediyey in wax fasax ah la siin karin shaqalaaha dawladda laga bilaabo 16 bishan aynu ku jirno ee Augost ilaa 24 bisha soo socota ee September, cidii fasax ku maqana la helo cadaymaha fasaxyada ay qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here