Somaliland oo Si Adag Uga Hadashay Shirkii Ay Soomaaliya Ka Cadhootay

0
1199

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa war-saxaafadeed ay goor-dhaweyd soo saartay waxaa ay si adag uga hadashay shirkii uu maanta ka baxay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambasadoor Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ee uu madaxweynaha Kenya ku martiqaaday masuuliyiin ka socday Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay caddeyn u tahay cadownimada iyo nacaybka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay u qabto Somaliland iyo dadkeeda.

War-saxaafadeedka ayay sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku sheegtay inay tahay dal-madax-bannaann oo dimuqraaddi ah oo dooneysa in si nabad ah ay kula noolaato waddamada dariska la ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya, ayaa war ka soo saartay ka bixitaankii safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya uu maanta ka baxay kulankaasi, waxaana ay sheegtay in dowladda Kenya ay si ula kac u martiqaadday masuuliyiinta ka Socday Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here