Somaliland oo Shaacisay In Itoobiya Lumisay Saamigii Ay Ku Lahayd Dekedda Berbera

0
1586

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in Itoobiya ay lumisay saamigii ay ku lahayd dekedda Berbera ee ahaa 19 boqolkiiba, kadib markii ay ku guuldarraysatay inay fuliso shuruudihii looga bahnaa si ay u dhameystirto lahaanshaheeda.

Tani waxay si rasmi ah u beddeleysaa heshiiskii la gaadhay 2017 ee u dhaxeeyay Somaliland, Ethiopia iyo DP World iyo ee ku aadanaa dekedda Berbera.

“Itoobiya way ku guuldarreysatay inay ka soo baxdo shuruudihii looga bahnaa kahor wakhtigii loo qabtay si ay ula wareegto saamigeeda. Sidaas darteed, wax saami ah ma laha hadda. Balse waxaa xusid mudan in lahaanshaha aanu wax macno ah sameyneyn.” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire.

Sida uu sheegay wasiirka, mid ka mid shuruudaha ayaa ahaa inay lacag ku tabaruucdo dhismaha dekedda, taasi oo Addis Ababa ay ku guuldarreysatay inay soo gudbiso.

Somaliland iyo Itoobiya, ayaa iskaashi kula sameystay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta in dib loo dhiso dekedda Berbera, oo door weyn ka qaadata isku xidhka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Heshiiska, ayaa dhigayay in shirkadda DP World ay saamiga dekadda yeelanayso 51% boqolkiiba, Somaliland-na ay yeelayanayso 30% boqolkiiba, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay boqolkiiba 19%,.

Heshiiska, ayaa la gaadhay toddobaad kadib markii Jabuuti ay soo afjartay heshiis ay la gashay DP World oo ay ku maamuli laheyd dekedda Doraleh ee Jabuuti.

Sida ku cad heshiiska 2017, dowladda Itoobiya, ayaa laga doonayay inay horumariso waddo 260 km ah oo dekedda Berbera ku xidha xuduudda Itoobiya.

Si kastaba, Dowladda Itoobiya, ayaan weli wax war ah ka soo saarin go’aanka Somaliland ay ku sheegtay inay lumisay saamigeeda dekedda Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here