Somaliland oo Noqotay Dalka Labaad Ee Qabanaya Tartanka 10ka Akhris Ee Qur’aanka iyo Wasaaradda Diinta oo Soo Dhaweysay Culimo Caan Ah

0
2116

Hargeisa (Hargeisa Press)- Dalka Somaliland, ayaa lagu soo dhoweeyay Culimo si weyn dunida caan uga ah, isla markaana ka mid ah Culimada Islaamka ee ku takhasusay Quraanka Kariimka iyo Culuunta Islaamka, kuwaas oo Somaliland u yimi ka garsooridda tartanka tobanka qaab ee Qur’aan akhriska oo ay noqonayso dalkii labaad ee dunida lagu qabto tartankaas.

Labada Sheekh oo kala ah Sheek Hassan Saleh oo loo yaqaan (Sheik-Qari) oo asalkiisu u dhashay dalka Masar, isla markaana haysta dhalasho Maraykan ah, ayaa sidoo kale Iimaam ka ah North Hudson New Jersey, wuxuuna ku jiraa culimada sida weyn looga danbeeyo qiraa’ada Quraanka Kariimka ah.

Sheekh Hassan Saleh, waxa ku weheliyay booqashada uu ku yimi Somaliland Dr. Sheikh Waleed Idiris Al Maneese oo isaguna ka mid ah culimada caanka ah ee Islaamka oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Masar, balse xilligan degan dalka Maraykanka, isagoo ka mid ah Guddida Kulliyadda Daraasaadka Islaamka iyo Carabiga ee Jaamacadda American Open University ee cariga Maraykanka.

Labada Sheikh iyo culmida la socotay oo maanta kasoo degeen garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Hargeysa ee (Egal International Airport), iyadoo ay halkaa kusoo dhoweeyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheikh Aadan Cabdullaahi Cabdala oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, Culimo iyo Arday Somaliland ah.

Xamse Cumar (Xamse Cumar-ku-joog) oo ka mid ah dhalinyarada culmida kusoo dhowaysay Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in labada Sheekh ay ka yimaaddeen xilligan dalka Maraykanka, isla markaana ay dalka Somaliland joogi doonnaan muddo tobban maalmood ah, isagoo xusay in habeenada ay joogaan Somaliland ay qabanayaan tartamo qurraanka keliya la akhriyayo.

Sidoo kale, Dr. Cabdiqani, ayaa sheegay inay si weyn ugu farxeen imaatinka culumadan ee Somaliland, isagoo xusay in ay qabanayaan tartamo qurraanka Kariimka ah iyo tababro la xidhiidha Qurraanka Kariimka ah oo qiraa’ada ah, wuxuuna ku tilmaamay booqashada culimadan in ay ka faa’idaysanayaan dhalinyaro baddan oo Somaliland ah.

Labada Sheekh ee lasoo dhoweeyay, ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxayna iyagoo muujinaya dareenka shucuurta farxada lagu qaabilay mid aannay ilaabayn, isla markaana waxay ku tilmaameen Somaliland meel barakaysan oo ay ka muuqdaan shacaa’irka diinta Islaamka oo la camiray, iyagoo Allah uga baryay in ay Somaliland noqoto meel dikriga Allah iyo shacaa’irka Islaamka laga ooggo sida ay ku arkeen booqashada markii u horraysay ee ay safar ku yimaddaan.

Geba-gebadii, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa ujeeddada booqashada Culimadan ku tilmaamay mid sumcad iyo sharaf weyn u ah Somaliland, wuxuuna sheegay in ay garsoorayaan tartanka Qurraanka oo lagu tartamayo Tobbanka Qirraa’a, isla markaana ay wuxuu xusay in ay Somaliland noqonay dalkii labaad ee tartankan lagu qabto.

“Waxay noo tahay sharaf weyn in ay maanta Somaliland yimaadaan culimada waaweyn ee dunida Islaamka oo aynu halkan ku qabano tartanka tobbanka qirraa’ada Qurraanka Kariimka ah, wasaarad ahaan waxa kale oo aannu ku faraxsanahay in Somaliland noqoto dalkii labaad ee tartankaa lagu qabto, iyadoo ay maanta inoo yimaadeen culimadaa caanka ah oo tartankaa ka noqonaya garsoor.” sidaa ayuu yidhi, Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here