Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo Ciidamada Sirdoonka iyo Booliiska Somaliland Ku Celisay Eedii Ay Ku Soo Oogeen Mulkiilaha Astaan Tv

0
3571

Hargeisa (Hargeisa Press)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta laashay qodob ka mid ah eedaymahii Sirdoonka iyo Booliska Somaliland ku soo oogtay Mulkiilaha Astaan Tv Cabdimannaan Yuusuf Maxamed.

Qodobada ay maxkamadu laashay ayaa waxaa ka mid ah in Mulkiilaha Astaan Cabdimanaan, uu faafiyay Siro Qaran iyo eeda kale oo ah Mulkiiyada Astaan Tv ee Somaliland.

Maxkamada ayaa sidoo kale waxay Ciidamada Sirdoonka iyo Booliiska Somaliland ku celisay eedii ay kusoo oogeen Mulkiilaha Astaan Tv, Cabdimanaan Yuusuf Maxamed.

Maxkamadu waxaa ay sheegtay inaanay is laheyn eeda Sirdoonka iyo Booliska ku eedeeyeen iyo qodobka ay adeegsadeen.

Xeer ilaalinta ayaa rafcaan ka qaadatay xukunka Cabdimanaan Yuusuf.

Weli waxa jira Qodobo kale oo loo haysto Mulkiilaha Astaan Tv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here