Somaliland Oo Lagu Casuumay Shir Lagaga Hadlaayo Amaanka Madaarada Aduunka Oo Ka Dhacay London + SAWIRRO

0
813

LONDON, (HargeisaPress) —Shir lagaga hadlaayo Amaanka Madaraada Aduunka ayaa Saaka ka furmay Magaalada London ee Caasimada Dalka Brittan, shirkan oo ay ka qaybgaleen Madax ka socota 21 Wadan oo aduunka ah, ayaa waxaa ka mid ahaa Somaliland oo uu uga Qaybgalay  Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil, halka ay 20 ka Wadanee kale, ka kala socdeen Africa , Asia, iyo Yurub.

5fa055ec-a88c-4086-afe8-77c21a3d583f

Shirkan oo uu furay Wasiirka Gaadiidka    ENGLAND (UK) MR ROBERT  GOOD WILL, ayaa waxa uu socondoona mudo sadex Maamood ah, waxana diirada lagu saari doona Arimo ay ka mid yihin Amaanka Madaarada Aduunka iyo Diyaaradaha, Wasiirka Gaadiidka Brittan waxa uu halkaa ka soo jeediyey in kor loo qaado Amaanka Madaarada Aduunka isla mar ahaantaasna la muujiyo foojignaan dheeraad ah.

6bbdb16d-859b-4c59-8409-9e5c3984cffc

Intii uu socday waxaa halkaa lagu soo bandhigay warbixin laga diyaariyey Qaraxii Diyaaradda Daallo ee ka dhacay Wadanka Somaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho, sodoo kale waxaa iyana lagu soo bandhigay Warbixin laga diyaariyey

 

weererkii Karachi  Pakistan, waxaana la isla qaadaadhigay sidii looga hortagi lahaa Weeraro noocan oo kale ah oo yimaada.

 b34fcaf2-fa8e-403d-b596-3444b615d178

Talaabadan ayaa Guul weyan u noqan karta Somaliland Macluumaad badan oo xaga Amaanka ahna ay ka faaiidaysaa, Maadaama ay xogaha Wadaagayaan Dhamaan Masuuliyiinta ka kala socota Wadamadaas.

 3807632b-cc06-45c6-b3c3-9388f83ac9e2

Dhinaca kale waxaa Maamulaha Madaarka Cigaal ku soo dhaweeyay markii uu gaadhay Wadanka Brittan Jahliyada Wadankaas ee Reer Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here