Somaliland Oo Itoobiya Ka Tacsiyadaysay Shilkii Dayaaradeed Ee Dadka Badan Ku Dhinteen

0
861
Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

Hargaysa (Hargeisa Press.com) —Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka tacsidaysay dawladda federaalka Itoobiya, shacabka iyo qaraabadda dadkii maanta ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee ka dhacay meel u dhaw magaaladda Addis Ababa.

Madaxweyne xu xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland.

 

Waxa uu dhambaal   tacsiya u diray dawladda Federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi dalkaasi Itoobiya, oo uu ka tacsiyadaynayo shilkii dayaaradeed ee maanta ka dhacay meel u dhaw caasimadda Itoobiya.

Sidaasina waxaa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu galabta soo saaray madaxweyne ku xigeenka Somaliland, oo nuqul ka mida uu soo gaadhay shebekadda Hargeisa Press.

Shilkaas dayaaradeed oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 157 ruux, taasoo  nooceedu ahaa Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada xilli ay u kala socdaalaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Waxaana dayaaradaas saarnaa 149 qof oo rakaab ah iyo 8 ka mida shaqaalihii diyaaradaasi, siday xaqiijiyeen masuuliyiinta shirkadda Ethiopian Airlines.

Xafiiska Warbaahinta iyo Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here