“Ujeedadoodu waxay ahayd weriyeyaasha inay sumcad xumeeyaan qaranka iyo Gabiley oo ay ka bixiyaan muuqaal xun”… taliyaha booliska Gabiley

0
801

Gabiley (Hargeisa Press): Ciidamadda booliska ee magaaladda Gabiley ayaa ka hadlay dhacday shalay ka dhacday magaaladaasi oo dhexmartay wiil weriye ah iyo askari ka tirsan ilaaladda maayarka Gabiley.

Taliyaha qaybta ciidamadda booliska Gabiley oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa denbi abaabulan ku tilmaamay falkii dhexmaray wiilasha weriyeyaasha ahaa iyo askarta ka tirsan ilaaladda maayarka Gabiley.

U jeedadda ay weriyeyaashu ka lahaayeen tallaabadaasi ayuu ku macneeyay taliyuhu  mid la doonayay in lagu sumcad dillo nabadgelyadda Somaliland iyo mida gobolka Gabiley.

Maadaama oo ay meesha joogeen wefti ajaaniba, oo ka socday ururka cayaaraha ee wadamadda aan la aqoonsan.

Sidoo kale taliyuhu waxa uu tilmaamay taliyuhu in haddii aanay hay’adda waliba dhinaceedda ka ilaalin waydo sharci in khal-khal nabadgelyo darro uu dhici karro.

Halkan Ka Daawo Shirkii Jaraa’id Ee Taliyaha Qaybta Booliska Gabiley:

Hargeisa Press/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here