Somaliland oo Fariin U Dirtay Shirka Urur Goboleedka IGAD Ee Jabuuti

0
2869

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa markii ugu horeysay ay ka hadashay shirka Urur-goboleedka IGAD uga furmay dalka Jabuuti.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ugu baaqday madaxdii ka soo qayb-gashay shirkaasi inay maanka ku hayaan nabadgelyada gobolka iyo xuduudaha iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ee gobolka dhinaca amniga.

Waxaa kale oo ay Xukuumadda Somaliland ugu baaqday dalalka ka qayb galay shirkaasi inay ka shaqeeyaan sidii loo fududeyn lahaa isu socodka dadka iyo badeecadaha, iyo sidoo kale kor loogu qaado xidhiidhka ganacsiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay hambalyeynayaan kulankaas, isagoo ka hadlay doorashadii Madaxweynaha Jabuuti ee Urur Goboleedka IGAD.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan hambalyo u diro Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, xilka loo magacaabay ee guddoomiyaha cusub ee urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

“Somaliland waxay soo dhawaynaysaa shirka madaxda IGAD ee Jabuuti, iyadoo ku boorinaysa madaxda gobolka inay taageeraan dadaallada lagu horumarinayo nabadda gobolka iyo amniga xuduudaha. Waxaan sidoo kale ku baaqaynaa iskaashiga ka dhexeeya waddamada si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo badeecadaha, iyo sidoo kale kor loogu qaado xidhiidhka ganacsiga.” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here