Putin oo Shuruud Ku Xidhay Wadahadal Uu La Galo Ukraine

0
559

Moscow (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Ukraine, haddii Reer Galbeedku ay joojinayaan taageerada milateri ee ay dalkaasi siiyaan.

“Ruushka waa u furan yahay wadahadal nabadeed oo uu la galo Ukraine, waa haddii Reer Galbeedku ay joojinayaan hubeynta Ukraine.” ayuu yidhi Madaxweyne Putin oo wareysi siiyay wargeys milateri oo dalkaasi laga leeyahay.

Wareysiga Madaxweynaha Ruushka oo si toos ah looga baahiyay Telefishinka Qaranka ee dalkaasi, ayaa ku celiyay eedeyntiisii ahayd in Reer Galbeedku ay doonayaan inay Ruushka kaga adkaadaan dagaalka Ukraine, taas oo uu muujiyay inaanay suurtagal ahayn.

Waxaa uu sheegay in Moscow ay leedahay qorshe nabadeed oo ku aaddan Ukraine, balse ay mushkiladdu tahay Galbeedka oo haadaan ka tuuraya Kyiv, sida uu sheegay.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay weerarada muddooyinkii ugu dambeysay ay Ukraine ka gaysatay dalkiisa, ayaa sheegay in Kyiv ay tiro isku dayo ah sameysay, balse aanay ku guuleysan.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka, ayaa tilmaamay in Moscow ay si wanaagsan ugu diyaargarowday weerarada dibadda, nidaamkeeda difaacuna uu yahay mid dhameystiran.

“Khasaaraha Ukraine toban jeer ayuu ka badan yahay kan Ruushka. Ukraine waxay lumisay 25-30 boqolkiiba baabuurta dibadda laga keeno.” ayuu yidhi Putin.

Putin, ayaa iska fogeeyay in dowladdiisu ku lug leedahay burburintii 6-dii bishan lagu sameeyay biyo xidheenka Nova Kakhovka ee Gobolka Kherson, isagoona Ukraine ku eedeeyay inay si ula kac ah u burburisay biyo xidheenkaasi.

“Ukraine iyadaa burburisay biyo xidheenka Nova Kakhovka, si ula kac ah ayay ugu garaacday gantaalka HIMARS.” ayuu yidhi Madaxweynaha Ruushku.

Madaxweynaha Ruushka, ayaa intaasi ku daray “Anigoo ka xun, haddana taasi waxay caqabad ku noqotay weeraradooda.”

Mar wax laga weydiiyay sababta hore ay Moscow bartilmaameed uga dhigatay xarumaha tamarta ee Ukraine, ayaa sheegay inay taasi jawaab u ahayd Ukraine oo ka soo gudubtay waxa uu ugu yeedhay ‘khadka cas’ ee Moscow.

Wareysiga Madaxweynaha oo dhinacyo kala duwan taabanayay, haddana mar uu ka hadlayay dhanka wax soo saarka hubka ee Ruushka, ayaa wuxuu sheegay in dalkiisu uu sanadkii hore kordhiyay in ka badan laba laab, hubkii uu soo saari jiray.

Si kastaba ha-ahaatee, colaadda Ukraine, ayaa kaga sii dartay xurgufta Ruushka iyo Mareykanka & Yurubta Galbeed oo isku dhinac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here