Wefti Ka Socda Shirkadaha Isgaadhsiinta Taiwan oo Somaliland Soo Gaadhay

0
1995

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wefti ganacsato ah oo ka socda Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka Taiwan oo ay hoggaaminaysay ICDF Taiwan, ayaa waxaa ay maanta soo gaadheen dalka Somaliland.

Weftigan ka socday Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka Taiwan, ayaa waxaa qaabilay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan.

Ujeedka weftiga Shirkadahan Taiwan, ayaa waxaa uu la xidhiidhay sidii ay u indho-indhayn lahaayeen fursadaha Maalgeshi ee dalka Somaliland ka jira iyo iskaashi dhinacyo badan oo labada waddan dhex-mara.

Waxaanay Agaasimaha guud iyo Weftigu ay ka wada-hadleen arrimaha maalgashiga ee Somaliland shuruudaha looga baahan yahay shirkadaha dalka ka samaynaya maalgashiga.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa waxaa uu weftiga ka socday shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka Taiwan u bandhigay fursadaha maalgeshi ee Somaliland ka banaan.

Somaliland iyo Taiwan oo xidhiidhkooda diblomaaasiyeed soo bilaabmay sannadkii 2020-kii, ayaa hore isaga kaashaday dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo beeraha.

Waxa kale oo jira wada-hadallo u socda labada waddan oo ay isaga kaashanayaan soo saarista kheyraadka dabiiciga ah, iyadoona ay labada Waddan ay xafiisyo dublomaasiyeed ku leh magaalooyinka Taipei iyo Hargeysa.

Si kastaba, Muddooyinkii u danbeeyey, waxa dalka Somaliland imanayay ganacsato iyo shirkado kala duwan oo danaynaaya in ay maal-gashadaan dalka si gaara Xoolaha, kaluumaysiga iyo macdanta.

 

HargeisaPress News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here