Somaliland: Mooshin Lagu Doonayo Ansixinta Xeerka Bangiyada Ganacsiga Oo Golaha Wakiillada Buuq Ka Abuuray

0
894
Golaha wakiilada Somaliland

HARGEISA, (HargeisaPress) — labaataneeyo mudane oo ka tirsan aqalka wakiillada Somaliland ayaa maanta mooshin lagu doonayo ansixinta xeerka baananka ganacsiga hor keenay fadhigii golaha wakiillada. Baashe Maxamed Faarax guddoomiye xigeenka koowaad oo shirkaasi guddoominayay ayaa mudaneyaasha u sheegay in mooshinkaasi ansax yahay, balse kooramka oo aan buuxin darteed Salaasada loo codayn doono.

 

 

Sharciga baananka ganacsiga ayaa muddo golahaasi hor yaallay, iyadoo la sheegay in guddi loo saarayna aanay wali wax warbixin ah ka keenin. Xeerka ayuu hore golaha iyo culimadu uga qaylisay kadib markii la arkay inuu yahay mid shuruucda reer galbeedka waafaqsan kana soo horjeeda Diinta islaamka oo ribada mamnuucday.

 

Goluhu wuxuu hore u ansixiyay xeerka baananka Islaamiga ah, kaasi oo hadda dhaqan gal ah.

Mudaneyaal golaha ka tirsan ayaa saaka cod dheer ku diiday xeerka, iyagoo ku dooday inuu yahay mid ribawi ah, islamarkaana ka soo horjeeda shareecadda islaamka iyo Aayadka Qur’aanka karriimka ah ee mamnuucaya Ribada, waxaanay ku taliyeen in arrintaasi laga joogo.

 

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal iyo xildhibaan Saleebaan Bukhaari oo ka mid ahaa mudaneyaasha ka soo horjeestay mooshinka iyo ansixinta sharciga bangiyada ganacsiga ayaa ku dooday inuu yahay farsamo ummadda xoolaheeda lagu dhiig miiranayo islamarkaana ribo iyo waxyaabo qawaaniinta islaamiga ah ka soo horjeeda xambaarsan yahay.

 

Mudaneyaasha saxeexay oo 21 ka koobnaa, balse fadhiga ay joogeen 20 mudane waxay ku doodeen in bangiyada ganacsiga oo dalka ka furmaa horumar bulshada Somaliland u horseedayaan. Waxaa doodooda ka mid ahayd in bangiyada iyo ganacsiga ee reer galbeediga ah iyo kuwa islaamiga ahiba dalka ka wada furmi doonaan iyagoo tartamaya mid walbana sidiisa dadka ula macaamili doono. Waxay sidoo kale sheegeen inaanay ogayn wax Diinta islaamka ka soo horjeeda oo ku jira, balse waxay sharixi kari waayeen farqiga u dhexeeya bangiga ganacsiga ee waafaqsan shareecada islaamka iyo kan islaamiga ah ee ay hore u ansixiyeen.

 

Mudaneyaasha mooshinkan waday saaka oo u muuqday kuwo hamuum u qaba ansixinta xeerkan ayaan la ogayn waxa wakhtigan soo bus kiciyay xeerka oo muddo goluhu hor taagnaa, waxaanu ku soo beegmayaa xilli Somaliland 25 sanno jirtay aanay lahayn xeerka maalgashiga caalamiga iyo maxalliga ah.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here