Sababaha Sicir-Bararka: Cashuur Dadban “Indirect Tax”. Weli Miyaa Maqasheen Dahabshiil & Somtel Oo Ka Qaylinaaya Sicir -Barar & Cashuur Kordhin.

0
939
Cashuurta Dadbani  “ indirect Tax “ waa cashuurta la saaro alaabtaee laga soo dejiyo dekedaha  sida bariiska, timirta, dharka, saliida  iwm.  Marka la kordhiyo Cashuurta dadban , ganacsadahu sicirku kordhiyaa,  waxa dhaca sicir barar dbtuna waxay gaadha saboolka.Xukuumada Somaliland  waxay  si isdaba-jooga u kordhisaa  cashuuraha dadban.
Waxa  ugu danbeeyay cashuurta  xad-ddhawaan la dulsaaray kontainerada   oo kor-kacay67%.  Waxaa sii kordhi doona ,sicir-baraki  loo xilsaary M/Xigeenka Mudane Saylici.
 Xukumadaha cilmiga  & caqligu hagaa,  waxay kordhiyaan  Cashurta Toosan “ Direct Tax”. Wa cashuurta toos looga qaado  dhakhliga qofka &  shariikdaha waawayn   soo gala loona  yaqaan “ Personal  &  Corporate Income Tax”. Markaa cashuurtaas la kordhiyo,waxay toos u damaqda  maal-qabeenada  iyo  shirkadaha  waawayn sida Dahabshiil,Telsom,Deero Group, Omar Group,  Mansoor Hotel, Ambassador Hotel, Imperial Hotel , etc.
Ganacasata waxay ku waajibiyaan inay   sanadka dhamaadkiisa soo saaraan  xisaab xidh “Audited  Balance sheet & Income statement ,  muujinyaa macaashka  dhabta ah  ee   soo galay,isla markaana  soo xeryaan cashuurta ku waajibtay. Haday bixin waayaan, waxa  lala tiigsadaa Maxkamad.. Tusaale ahaan,  dalalkani  waxay  ganacsatada  ka qaadaan   boqolayda macaashka “Net Profit “  : USA,  38% , Burundi 35%,Cameroon 39%; Gabon 35%; Japan 38%; Zambia 35%; UK 20%.
Hadaba , Lama oga dakhliga soo gala shirkadaha  waawayn ee ka hawl gala Somaliland , qaabka ay  cashuurta  bixiyaan iyo   qadarka laga qaado.  Miyaa weli maqasheen Dahabshiil , Somtel , Deero & Omaar Group oo  ka cabanaaya  cashuur toos ah oo lagu kordhiyay “Direct Corporate tax “  . Miyaa weli maqasheen mulkiilayaashaMansoor Hotel,Ambassador Hotel ,  Crown Hotel   ,Star Hotel etc oo ka qaylinyaa ‘ Propert tax “ lagu kordhiyay,
GUNAANAD :  Madaxwayne Ku-Xigeenka  Saylici uma bilowna cilmiga dhaqaalaha &  sicir-bararku.  MADAXAWYNE Silaanyo waxa la gudboon :
1.    Inuu dhimo cashuurta dadban “ Indirect Tax” ee ganacsatada lagaga qaado “Dekeda Berbera, siiba quutal-daruuriga , sida bariiska, sonkorta, daqiiqda dharka,qalabka dhismaha  iwm.
2.    In la kordhiyo cashuurta tooska ah  “ Direct  Tax”  ee laga qaado shirkadaha waawayn, laNA ogaado dakhliga dhabta ah ee soo gala, laganu waajibiyo  xisaab xidh sanadle ah  “Annual Audited Fiancial Statements “
3.    In la kordhiyo cashuurta laga qaado hantitda ma guuraanka ah ”property tax “  sida hodheelada  waawayn iyo fooq-yada dhadheer   ee laga dhistay hantida danyarta
  Alla ha u naxariistee MARXUUM  Qaasim yidhi  ( 1964 )
Ma daadihin rashiid, maatadaan daad guree idhiyee,
Umaddii daryeel wali helin daacada ahaydee,
Sidii bay u dooyaysan tahay damashii weynaydee,
Sidii baa dudada aar dhiciyo dacaw u joogaayee,
Sidii bay degmadu ceelashii ugu dar leeftaayee,
Sidii ducaalow biyaha loo dawariyaayee,
Sidii bay daba-goobsi u tahay haradii doolloodee,
Oo ay waliba dibin daabyo iyo diriri joogtaayee,
Waxba hadalku yuu ila durkinee waxaan kusoo duubay,
mar uunbuu daf soo odhan nafsigii diinku soo jiidayee,
mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiyee,
Dibnihii shakaalnaa marbaa dooda loo furiyee,
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonnaayee,
La soco qormada “LIXAAD ”
Drs. Hoodo Yusuf, London.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here