Somaliland iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Dhinaca Caymiska Gaadiidka ah

0
573

Hargeysa (HP): Madaxda hay’adda caymiska qaranka Somaliland ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday shirkadda Ethiopian Insurance Corporation oo ah shirkadda ugu weyn ee ka shaqaysa adeegga caymiska dalkaasi.

Mas’uuliyiinta waxa ku wehelinayay kulankaasi maamulka shirkadda Ammaana Insurance oo Somaliland ka hawlgasha.

Kulankan ayaa intii uu socday waxay shirkadahani la wadaageen hay’adda caymiska qaranka Somaliland  heshiis fududaynaya sidii gaadiidku ugu kala tallaabi lahaayeen labada dal.

Taasoo hay’adda caymiska Somaliland ay ka shaqaynaysay muddooyin sidii uu hirgeli lahaa in xidhiidh ganacsi dhex maro, shirkadaha caymiska Somaliland iyo kuwa Itoobiya, si ay u fududaato in gaadiidka adeegsanaya waddada Berbera ee Berbera Corridor, uu u tallaabo dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in maanta ay heshiiyo la saxeexdaan shirkadda caymiska qaranka ee Itoobiya.

Isagoona xusay in heshiiskan uu saacidayo sidii gaadiidku ay labada dhinac si fudud ugu kala gooshi lahayeen, iyagoon wax carqalad ah la kulmin.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in baabuurta laga leeyahay Somaliland ee u baahata inay ka shaqayso dhulka fog ee Itoobiya in caymis loo helay oo ay si hufan uga dhex shaqaysan garaan dalkaasi la deriska ah Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Qaabkii gaadiidka u kala gooshaya Itoobiya iyo Somaliland loo caymin lahaa, ee ay caymiska u heli lahaayeen, ee wixii halkan wax ku gaadhaan ee ay Itoobiya leedahayna loo dhamayn lahaa, iyadoo aanay dhibi ka imanin.

Gaadiidkeenuna uu socdo ilaa halka ugu shishaysa Itoobiya. Ganacsi wanaagsan, furan, hufan, damaanadiisu wanaagsan tahay, caymis leh, oo gawaadhideena aan shaqadda haynini ay gudbi karaan, oo ay gaadhi karaan halka ay badeecadaha gaynayaan. Awelna waxaa lagu hor joogay Wajaale iyo Jigjiga”.

Saleebaan Bukhaari, oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Mashruucii aanu wadnay ee ahaa in la hello xalkii, sidii hawshu u socon lahayd oo aanu muddo ku mashquulsanayn, tanni fursad weyn bay siinaysaa in ay hawshii fusho, oo ay guulaysato.

Waxaanu rumaysan nahay inuu meel wanaagsan marayo, oo ay qarankeena iyo ummadeena dan u tahay, iyo gaadiidkeenna”.

Geesta kale, guddoomiyaha shirkadda Ethiopian  Insurance, Koorbarayshan Nasanet Lemsa, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in xidhiidh wada shaqayneed dhexmaro shirkadaha adeegyada caymiska ka shaqeeya ee Somaliland.

Waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in heshiisyo ay kala saxeexdaan shirkadda Ammaano, oo uu xusay in Somaliland ay ka taageerayso shuruucda iyo shaqooyinka ay uga baahdaan ee ku saabsan sidii ay u hirgeli lahaayeen.

Guddoomiyihu waxa uu intaas ku daray in hawshan aanay ka fursanayn in Somaliland ay gacan ka siiso oo ay ogolaato, taasoo ay ka kow tahay hay’adda caymiska qaranka ayuu yidhi. Waxaana uu xusay inay waraysteen isla markaana ay ogaadeen shuruucda caymiska ee Somaliland u taalla.

“Somaliland waxaanu u nimid in  aanu heshiis kala saxeexano anaga iyo Amaanno insurance, guddomiyaha haayadda caymiska Somaliland na wuxuu noo sheegay in ay shuruudaha iyo shaqooyinka aanu uga baahan nahay, ee  ku saabsan  sidii aanu hawshani u hirgelin lahayn” ayuu yidhi guddoomiyaha shirkadda Ethiopian insurance.

 

Gebo gebadii maamulaha shirkadda Ammaana Insurance Cabdikariin Axmed Gaas oo halkaasi ka hadlay ayaa isna geestiisa sheegay inay rajaynayaan in Somaliland iyo Itoobiya uu dhex maro heshiis wanaagsan oo dhica caymiska ah.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here