“Cashuurta waa in la bixiyaa qofkii shan sanno lagu leeyahay waxaa laga daynayaa”…

0
365

Burco (HP): Maayarka degmada Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Herro), ayaa sheegay in ay cashuur dhaaf u sameynayaan bulshada haddii cashuuraha lagu leeyahay ay iska soo bixiyaan.

Waxaanu xusay in qofkii shan sano lagu leeyahay labadii sano ee u danbeeyay laga qadaayo, sababta ay sidan u yeelayaan ayuu ku tilmaamay  in ay dhiirigeliyaan bulshadii.

Si cidkasta oo cashuuri ku baaqatay ay ugu dhiiirato sidii ay isaga bixin lahayd, waxaanu yidhi “Cashuurta waa in la bixiyo, qofkii shan sanno lagu leeyahay in laga daynayo shan sano ama kalabadh, ama saddex sano, oo ugu yaraan labadii sano ee ugu danbeeyay laga qaadayo

Ka lix sano lagu leeyahay in badh laga dhaafayo, ka saddex sano lagu leeyahay in badh laga dhaafayo, ka liisan ganacsi lagu leeyahay in badh lagu leeyahay badh ka mida soo bixiyo, si aanu dadka u dhiirigelino oo ay cashuurta keenaan”.

Wuxuu sheegay in haddii ay dadweynuhu si wanaagsan cashuurraha isaga soo bixiyaan in iyaguna ka dawlad hoose ahaan ay bulshadda u balan qaadayaan in ay gaadhsiiyaan addeegyadda ay u baahan yihiin.

“Annaguna waxa aanu balan qaadayna in qofku adeeg naga arko, iyo in adeegi kala duwana iyo in dadka aanu dareensiino si uu qofku u gaadho halka uu markasta oo uu hawl qabanayo uu dawladda hoose xasuusto.

Halka uu imika halka imika shaqa maalmeedka dawladda hoose oo dhan  aanu meel ka soo gelin, ilaa aanu gaadhsiino tallaabo kasta oo uu qabanayo in uu ula noqdo dawladda hoose” ayuu yidhi C/rasaaq Herro, oo u waramay wargeyska Dawan.

Geesta kale maayarka Burco waxa uu tilmaamay in dawladda hoose ay ka masuul tahay bannaanka, iyo guryaha, sidaas darteena waa in ay dareemaan dawladdnimada.

Waxaanu yidhi “Dawladdnimadu bannaanka iyada ayaa ka masuula, guryaha iyada ayaa ka masuul ah, guryaha hoostoodana waalidiinta ayaa ka masuul ah.

Markaa waa in ay dareemaan marka ay guryaha ka soo baxaan, ee ay dibeda yimaadan ama ganacsi ha noqdo ama gaadiid ha noqdo ama wado ha noqoto ama shirkad ha noqotee, in ay dawladdnimada dareemaan.

Taasina waxay ku imanaysa sida quruxda badan ee aad wax noola wadaan in aad laba jibaartaan in aad nagala qayb qaadataan degaankeena, degmadeena iyo dalkeena horumarkiisa”.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

Xigasho: Wargeyska Dawan.

LEAVE A REPLY