“Waa la inagu soo duulay waataa guushii la xaaraamaynayo”…

0
1079
faysal-cali-waraabe-oo-fariin-u-diray-xasan-sheekh-weerar-afka-ahna-ku-qaaday-farmaajo

Loondon (HP): Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in cadowga Somaliland uu ku soo duulay qaranimadeedii.

Tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay in cadowga Somaliland ay ka xun yihiin guushii ay Somaliland ka gaadhay doorashooyinkii sanadkan dalka ka dhacay.

Doorashooyinkii isku sidkanaa ayuu sheegay Faysal Cali Waraabe, in ay Somaliland u soo jiideen sumcad weyn oo ay kaga heshay beesha caalamka.

Hase yeeshee cadowga Somaliland oo adeegsanaya qaybo bulshada ka mid ah uu duulaan xoogan oo af iyo addin ba leh ku soo qaaday sidii uu guushaasi u xagal daacin lahaa.

Eng. Faysal Cali Warraabe, waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta  la hadlayay jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladda London ee dalka UK oo uu booqasho ku tegay.

Geesta kale guddoomiyaha UCID ayaa kula dar daarmay qurbe joogta Somaliland in ay ka shaqeeyaan wada jirka iyo horumarka ummada.

Waxaanu tilmaamay waayadan danbe uu qurbe joogta aad ugu soo batay cudurka qabyaaladda, sidaas darteedna looga baahan yahay in danta qaranka meel looga soo wada jeedsado.

DAAWO: HADALKA GUDDOOMIYAHA UCID:

Hargeisa Press.com/Hsrgeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here