Somaliland intaaney ictiraaf raadin iyadu hays ictiraafto si indhaha caalamku dib u eegis ugu sameeyaan sadexda dhar-dhaar ee mudo kordhinta ku saleysan. qalinkii A/fidhinle U

0
835

Somaliland waxay ku fashilantay Afartii arimood ee ugu muhiimsanaa ictiraaf raadinta kuwaas oo kala ah 1) Dimuqraadiyadii. 2) Xuquuqda assaasiga ah ee xuquuqul isnsaanka iyo xoriyadii saxaafada xorta ah . 3) Dumarka iyo Dadka la hayb sooco oo aan iyaguna saamigoodii ka helin kuraasta, anfaca iyo agabka dawladnimo ee Somaliland.4) Doorashooyin aan waqtigooda ku dhicin oo mudo kordhin ku saleysan. Waa waajib qaran iyo xil wadareed saaran in muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi uu dhiniciisa ka baadi goobo ictiraafka, waana arin u baahan talo qaran iyo caqli mideysan. Laakiin Weelka aad la shir tegayso waa in aad cidaadaa, hogaysaa ,hagaajisaa oo aad mudo kordhinta iyo ku meel gaadhka ka saartaa.

 

 

Maslaxada guud ee midnimada iyo wada jirka  qaranka Somaliland ee Siyaasadeed, Dhaqaale, Horumarineed ee Nabadgelyo ee bulsho waxay intuba ku jirtaa gardaadinta geedi socodka hanaanka dimuqraadiga iyo higsiga mustaqbka ee Dawladnimada Somaliland. Hadaba si loo iib-geeyo qadiyada iyo Qaranimada Somaliland ku taameysay mudada dheer loona baadi-goobo ictiraaf buuxa waa in meel looga soo wada jeestaa duruufaha maanta taagan ee inagu xeeran iyo danta guud ee qaranka iyo baahida togan ee loo qabo in la dhowro xasiloonida guud iyo wada jirka shacabka Somaliland. Sidaa daraadeed waa in ay xukuumadu awood fulineed ku meel marisaa in Golayaasha Wakiiladu ay xeerarkooda iyo xeegaanadooda dhameystirtaan oo doorashada udiyaargaroobaan maadaama ay yihiin goobihii lagu abuuraayey, lagu ansixinaayey ee laguna meelmarinaayey shuruucdii dalka oo dhan u yaalay.

 

 

 

Si indhaha caalamku dib u eegis ugu sameeyaan nidaamka dawladeed ee maanta Somaliland ka jira, Doorashooyinka oo waqtigooda ku dhacaa waa muqadas oo waxay ka turjumaysaa oo ay fariin togan u tahay qaab dhismeedka iyo haykalka dawladnimo ee JSL ka jira.

 

1- Waa in wixii xeerar ka dhiman doorashooyinka is barkan ee soo socda  la dhameystiraa oo doorashooyinka waqtigooda lagu qabtaa.

 

2- Waa in Golaha Guurtida iyana Xeerarkii lagu dooran lahaa la curiyaa, la falkiyaa oo la soo dhameystiraa

 

3- Waa in Golaha Baarlamaanka Xeerarkii lagu dooran lahaa ee ku saleysnaa saami qaybsiga sida ugu dhakhsaha badan loo dhameystiraa

 

4-  Waa in Wadanka toobiyaha toosan tubta loo saaraa oo lagu jiheeyaa Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee 2016- 2020.

 

5- Waa in meel looga soo wada jeestaa Dagaalka qaawan ee lagu bur burinaayo Dastuurka iyo Dimuqraadiyada curdinka ah ee dalka ka hano qaaday

 

6- Waa in ay Xukuumadu la timaado Hal-abuur cokan, Hami cusub, Higsi iyo Hindise fog kaas oo ay balaysin uga dhigayso mar kasta qorshe hawleedka higsiga fog.

 

7- Waa in aanay sidii hore u dhacday qadiyada iyo masiirkii ummadda  aanay ka horeysiin hunguri dhaqaale oo aan ummadda loo soo bandhigin

 

8- Waa in ay Viruska ka saartaa Haykalka dawladnimo iyo habsami u socodka hawlihii qaranimo si aaney meesha uga bixin xilgudashadii iyo is-xisaabintii dawladeed.

 

9- Waa in xukuumadu joojisaa danta guud ee ay xaraashayso, duunyo lunsiga , dhiilo hilashada iyo damaca qaawan ee danaha gaar ka ah huwan

 

10-Maadaama uu dalku ku jiro marxalad kala guur marna Xukuumada laga yeeli maayo mashaariicda dhoobo qaadka iyo dhaxal wareejinta ah ee ay ku lingaxayaso halbowlayaashii  ilihii dhaqaalaha ee qaranku wada eeganaayey.

 

 

Dawlada Somaliland waa in ay ka korto xirfada mudo kordhinta, qaybsanaanta iyo qof jecleysiga.  Waana in ay meel mariso taabogelinta  himilooyinka geedisocodka Dimuqraadiyada curdinka ah ee JSL ku naaloonaysay mudada dheer. Dawlada Somaliland waa in aaney ka soo horjeesan sharafta iyo karaamada qori isu dhiib dhiibka  shan sanadlaha ah ee kursiga dalka ugu sareeya. Shacabka reer Somaliland waa in ay ilaaliyaan maslaxada danta guud iyo rabitaanka Doorasho-Doonka Dimuqraadiyadeed ee JSL.Guurtiduna waa in ay siidhiwale noqdaan oo garsoore noqdaan oo gooye iyo go’aamiyaha u danbeeya ee talada qaranka noqdaan marka hawshoodu soo baxdo.

 

 

Waxaan idiinku soo garoocayaa  maanta ” Doorasho ma jirtee Dabo Dhahdu ma sanadbaa mise waa laba ” Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso !! 

 

 

 

 

Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here