Waa Sannadkii reer Saaxil ay Codkooda iyo Cududooda Muujin lahaayeen

0
769
Washington DC , (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobollada Virginia, Maryland iyo Weliba Washington ahna guddoomiyaha guddida Anshax marinta ee Xisbiga Waddani laantiisa Maraykanka Marwo Nuura Axmed Weris ayaa ugu baaqay shacabka reer Saaxil inay si weyn uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka Saaxil.
Guddoomiye Nuura oo warsaxaafadeed ka soo saartay xafiiskeeda ku yaalla Caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa ku bilawday “Ugu horrayn waxaan shacabka reer Togdheer iyo Awdal aan ku hambalyaynayaa sida quruxda badan ee ay uga qaybgaleen is-diiwaangelinta codbixiyayaasha, ilaahay ayaana mahadda koowaad ee guusha iska leh. Haddii meertadu soo gaadhay gobolka Saaxil, waxaan ugu baaqayaa shacabkayga inay u kacaan diiwaangelinta codbixiyayaasha, aniga oo rajo badan ka qaba inaynu muujin doonno miisaanka codkeenu leeyahay. Waxaan filayaa in shacabka reer Saaxil ay u oomman yihiin isbedel maamul iyo inay helaan xukuumad fahansan baahiyahooda iyo miisaanka ay qarankan ku leeyihiin, haddaba waxaan ugu baaqayaa shacabka Saaxil in xilligan la gaadhay wakhtigii ay codkooda ku muujin lahaayeen mustaqbalkooda siyaasiga ah, si taasi u suuro gashona waxaa muhiim ah in shacabka reer Saaxil is-diiwaangeliyo” ayay tidhi.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobollada Maryland, Virginia iyo magaalada Washington ayaa u soo jeedisay masuuliyiinta kala duwan ee gobolka saaxil inay shacabka ka gacan siiyaan sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen “Masuuliyiinta kala duwan ee ku sugan gobolka Saaxil, waxaan xasuusin lahaa inay xilligan iska dhaafaan kala aragti duwaanshaha dhex yaalla, isla markaana ay guntiga dhiisha iskaga xidhaan sidii ay shacabka ugu fududayn lahaayeen diiwaangelinta, waxaad ogaataan qofkii is diwaangelin waaya inuu yahay cod innaga khasaaray” ayay tidhi.
Nuura Axmed Weris ayaa hadalkeeda ku soo geba gebaysay “Alle Naxariistii Janno haka waraabiyee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa laga hayaa …Reer Saaxil waxaa lagu xasuusan doonaa doorka ay ka soo qaateen dhismaha Qarankan, iyo miisaanka ay ku leeyihiin… waa dhab oo qarankan miisaan ayaad ku leedihiin, waxaad tihiin dhab laf-dhabarta dhaqaale ee qarankan, iyo hooyadii dalkan laakiin waxaan idin xasuusinayaa inuu misaankiinu ku xidhnaan doono hadba tirada dadka iska diiwaangeliya gobolkiina.” ayaa guddoomiyuhu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.
Nuura Axmed Weris
Guddoomiyaha
Maryland, Virginia iyo Washington DC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here