Somaliland Haddii Ay Sinbiririxato Dawladaha Gobolkaa Dayacay W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

0
965

Jamhuuriyada Somaliland waxay ka dhalatay ama ka soo dhex baxday dambaskii burburkii Soomaaliya hase ahaate mudo 26 sanadood ah oo ay jirtay wax aqoonsi ah kama ay helin beesha caalamka waliba waxa u dheeraa dagaalo dhinacyo badan kaga socday hase yeeshee hagar-daamo kasta oo lagu hayo Somaliland waxay ku guulaystay inay sugto amniga iyo nabad galyada dalka halka Soomaaliya oo beesha caalamku aad u taageerto wali amaan darro bani ka jirto.

 

Dabcan nabad galyada Somaliland ka jirta waxa ka faa’idaystay reer Somaliland isla markaa waxay faa’iido u tahay guud ahaan dalalka bariga Afrika gaar ahaan kuwa jaarka ah oo ay u noqotay moos adag oo kaga dayran hawl galada argagixisada iyo jabhada nabada iyo horumar diidka ah sidaa daraadeed Somaliland, Itoobiya iyo jamhuuriyada Jabuuti waxay u tahay saaxib ‘Strategic’ ah oo sinaba aanay uga maarmi karin.

 

Xaala kasta oo la soo darista mid ka mid ah waxay saamayn ku yeelan kartaa kuwa kale. Bal u fiirso weedho ku jiray khudbadii ra’iisal wasaaraha Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn uu ka hor jeediyey baarlamanka dalkiisa 20/5/2013. Wuxuu yidhi “Somaliland waa saaxiib gaar ah iyo garab muhiim ah oo ay Itoobiya leedahay”. Sidaas oo kale madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele isaguna wuu ogyahay muhiimada xasiloonida Somaliland u leedahay amniga iyo horumarka la yaabka leh ee dalkiisa ka socda. wuu ogyahay in aanay suurto gal ahayn sida uu ku taamayo ama hamigiisu yahay inay Jabuuti noqoto Hong-Kong ama Singapore-ta Afrika haddii guriga ku xiga ama jaarkiisu gubanayo.

 

Hadaba jiritaanka iyo xasiloonida Somaliland haddii ay dantu ugu jirto dawladaha jaarka ah waxay ahayd in laga caawiyo sii adkaynta nabad galyada, baahida dhaqaalaha iyo dhinaca siyaasada maadama ay xubno firfircoon ka yihiin urur goboleedka IGAD iyo AU-daba.

 

Xukuumada madaxweyne Siilaanyo dhankeeda ma iib gayn taqaano muhiimada dawlad adag oo Somaliland ka jirta ugu fadhiyi karto daganaanshaha iyo horumarka gobolka. Madaxweynuhu mar kasta oo uu safar ku tago wadamada jaarka ah waxba kala ma soo noqdo, wuxuu ku celceliya wixii uu horeba u sheegi jiray oo ah “Dawldaha jaarka ah ee aynu walaalaha nahay waxaanu ka wada hadalnay sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo in meqaam sare lagu soo dhaweeyey”.

 

Si kastaba ha ahaate Somaliland kuma sii jiri karto xaalad go’doon ah iyo cadaadis dublomaasiyadeed oo joogto ah sidaa awgeed kuma qasbana in ay kaligeed saaxib dhaw la sii ahaato dawlado aan lahayn taageeradii Somaliland ka filaysay. Akhirste bal u fiirso qoraaladii qaar ka mid ah aqoon-yahano Itoobiyan ah sida Dr. Kassehun Addis, Dr. Medhane Tadesse, Dr. Johannes Gabresalesse iyo qaar kale oo badan oo talooyin ugu gudbinaya xukuumada Itoobiya wakhtigii ra’iisal wasaarihii hore mudane Meles Zenawi oo dhamaantood nuxurkoodu aha in dawlada Somaliland ee curdinka ah la taban-taabiyo oo la is garab taagto inta la awoodi karo.

 

Qoraalada aqoon-yahanku waxay ka digayeen haddii Somaliland xaalada ay ku jirto lagu sii daawado waxa laga yaaba in meelo kale looga gacan haadiyo iyaga oo ka faa’idaysanaya baahida dhaqaale iyo go’doonka ay kaga jiraan beesha caalamka.

 

Hadaba sidii laga digayey waxa muuqata in xukuumada madaxweyne siilaanyo u soo dabacday ama u dhago nuglaatay codsiyo kaga imanaya dawlado xiisaynaya inay Somaliland la yeeshan xidhiidh sokeeye iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo laga yaabo in damacoodu ka hor yimaado danaha dawladaha Geeska Afrika.

 

Si kastaba ha ahaate Somaliland haddii ay Sinbiririxato ama meeshaba ka baxdo amase xoogag shisheeye awood ku yeeshaan majaraha siyaada dalka, ogow Somaliland dawladaha gobolkaa dayacay.

 

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami22@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here