Somaliland: Gudoomiye Maxkamadeed Oo Lagu Dilay Qarax Loogu Xidhay Gaadhigiisa

0
587

Hargeysa(HargeisaPress)- Gudoomiyihii maxkamada gobolka gobolka Sool Xasan Sheekh Ayaa geeriyooday ka dib markii qarax loogu xidhay gaadhigiisa.

Warar Shabakadda HargeisaPress soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in gudoomiyihii maxkamada gobolku ku dhintay qaraxaas loogu xidhay gaadhigiisa, kaas oo ilaa hada aan la garanayn cida ka dambaysay iyo waxyaabaha sababay.

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaalada amaanku haatan degan tahay balse qaraxan si weyn looga dareemay magaalada kaas oo ilaa hada su,aalo layska waydiinayo.

Dhinaca kale xukuumada somaliland iyo laamaha amaanka ayaan ilaa hada ka hadal qaraxa ka dhacay Laascaanood ee sababay geerida gudoomiyihi maxkamada gobolka Sool.

Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco HargeisaPress

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here