Xisbiga Kulmiye:-Martiqaadkii Hogaanku u Sameeyay Saleebaan Cali Koore Ma U Muuqataa Cugasho iyo Dib-U Curasho Muxuuse Maxamed Kaahin Uga Maqnaadey(Faallo)

0
1121

Hargeysa,(HargeisaPress)-Huteelka Guuleed ee Caasimadda Hargeysa, oo had iyo jeer Bar-kulan u ah dadka ka ag dhaw Madaxweynaha Xiligan talada dalka gacanta ku haya Muuse Biixi Cabdi islamarkaana, aad ugu dhaw Guriga (Madaxtooyadda gaarka )u ah Madaxweynaha ayaa Waxa maalintii daraad, ee 29/02/2020 ka waxa siweyn ooga dareemayay dhaqdhaqaaq cusub oo ka duwan kii noocyaddii hore ka dhex muuqan jirrey Xisbi-Xaakimka Kulmiye taas,oo ay isugu soo camireen Huteelka Xisbiyahano fara baddan oo la suuxsanaa in lagaga tago banaanka tan iyo intii ka dambeysay dhisitaankii Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahey Madaxweyne Muuse Biixi haba u badnaadeen garabyaddii Haweenka Xisbiga Kulmiye oo aan qof ka maqneyn kuwaas oo goob-joog ka ahaa martiqaadka Xiligii qadada ee daraad, Waxa kale oo dareenka hadheeyay Martiqaadkan lagu Suntey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleebaan Cali Koore,in hogaanka Xisbigu Martiqaadey, Siweyn uga dhex muuqdey Xubno aad u tirra baddan oo kasoo jeeda Beelaha Harti haddey yihiin Xildhibaano katirsan labada aqal ee Golaha Wakiilada iyo Guurtida, iyo hadey yihiin Masuuliyiinta xilalka kala duwan ka haya Xukuumada iyo waliba Xubno kale oo madaxbanaan oo kasoo jeeda aqoonyahanka Gobolada Sool iyo Sanaag/Barri.

Dareenada kale ee Martiqaadkan, ku xeernaa, ayaa siweyn looga dheehanayay in ay ku koobnaanyeen Xsbiyahanada kasoo kala jeeda Beelaha Harti iyo Beesha Madaxweynaha Somaliland iyo Waliba Beelaha kale ee katirsan Xisbiga Kulmiye marka laga reebo beesha Bariga Burco, oo aaney Martiqaadkaas kasoo qeybgalin xataa Siyaasiyiinta Xukuumada katirsan ee kasoo jeeda beelaha Bariga Burco khusuusan Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ah(Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada),iyo Geesta kale Gudoomiye/kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye oo aan isaguna madashaa habayaraatee kasoo Xaadirin, madashaa hogaankiisii iyo Madaxweynihii ku casuumeen Siyaasiga Saleebaan Cali Koore, inkastoo Bulshada Somaliland guud ahaanba si xoog ah loo hadalhayo in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye agu Wareejinayo, haddana dad badan ayaa Qabba in aan Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi oo Wakhti Xaadirkan ah isagu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  aanu diyaar u aheyn in uu Wareejiyo Xisbiga laakiin buuq iyo tashuush fara baddan oo kaga Socda dhinaca Beeha Bariga Burco ay tahey Sababta uu ugu Quus/goynayo Gudoomiye/Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye uu ku Wareejinayo Wasiirkiisa Warfaafinta Saleebaan, si aaney hirdan Xoogan ugu soo Waajihin Siyaasiyiinta damacu kaga jirro Xisbiga oo qirinqiir galiyay Wasiirka Arimaha Gudaha mudooyinkii u Dambeeyay.

La Soco qaybta danbe..

HargeisaPress News Desk – Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here