Somaliland: Guddoomiyaha Sariflayaasha Oo sheegay in Barnaamijkii Dadka Masaakiinta lacagta Cuntada loogu badalayey Meel fiican uu marayo.

0
1109
Guddoomiyaha Sarif-Layaasha Magaalada Hargaysa Maxamed Abiib Siciid ( Waaraad)
Guddoomiyaha Sarif-Layaasha Magaalada Hargaysa Maxamed Abiib Siciid ( Waaraad)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Sarif-Layaasha Magaalada Hargaysa Maxamed Abiib Siciid ( Waaraad) Oo Shalay Shir Jaraa’id Ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa waxa uu ka warbixiyay Barnaamijka Dadka Masaakiinta Cuntooyinka Lagu Siiynayo, waxanu Tilmaamay in ay ku soo Kordhiyeen Barnaamijyo Kale.
Waxa uu cadeeyey intii uu barnaamijkani Waday In Dawarsadayaal Badani Dalka ka baxeen,Waxaana uu cadeeyey inuu noqday Barnaamijkani mid Dhaqan Galay.
Guddoomiyaha Sarif Layaasha Magaalada Hargaysa Maxamed Abiib Siciid ( Waaraad) waxa kale oo uu sheegay in ay Samayn Doonaan Haay’add Cusub oo Caawin Doonta Dadka masaakiinta ah ee aan waxba haysan taas oo ugu magac daray Waraad Foundion.
Waxa Kale uu Bulsho Waynta Somaliland ugu baaqay in ay Sii wadaan Barnaamijkaas Dadka masaakiinta Ah Lacagta lagag Goynayo Ee Lagu Siinayo Cuntooyinka Waxaana uu yidhi “ Barnaamijka aanu wadnay Ganacsigii waa anfacay, Sarif Layaashiina Waa Anfacay, Shacabkii Maq-layna Waa Anfacay, Dawarsadayashii Cunto ayaa loo Bilaabay Waana Sida uu Sharcigu Dhigayo Weeyaan, Haay’addaha Caalamka Sida WFP iyo Haay’addaha Muslimka ahba Cunto ayay Bixiyaan, Lakiin Caalamka Wali laguma Arag Meel Lacag Lagu Bixinayo”Ayuu yidhi

Guddoomiyaha Sarif Layaasha Magaalada Hargaysa waxa uu Shacabka u Soo jeediyay Waajibaadka La gudboon Ee ay waxa usiinayaan Dadka Masaakiinta ah waxaana uu yidhi “Waajibka Runtii Shacabka iyo dadkaba la gudboon waxa weeyaan, Inaad qofka baahan Cuntooyin Siisaan Ayaa kula Gudboon, Kolayba Dumarka Xaafaduhu Cuntada way siin jireen, Anigu Barnaamijkan Waxaana Soo Waday Afar Sano Oo Waxaana ku arkay Cuntooyinka Lasiiyo Inta ay Qalajiyaan Ayay Udiraan Eheladooda Jooga Itoobiya,Waxaana Loo Baahan Yahay In ay Dadkan Laga war Hayo, Macaa Xanuuno ayay inoola Soo Gali karaan”

Waxa uu Sheegay in ay Samayn Doonaan Hay’ada Caawisa Dadka Tabaalaysan Oo Loogu Magac Daray Waraad Foundion waxaana uu yidhi”

“Hay’adaas Runtii Waxa ay qaban doontaa Hadii alle Nadaayo In ay Dadka Masaakiinta ah wax siiyaan,Waana Lasoo Xaqiijin Doonaa Dadkaas Oo Waxa loo Diri Doonaa Shaqaale Soo ogaada Dadkaas Tabaalaysan, Marka lasoo Ogaado Haay’adda Ayaa Siin Doonta Raashin Uu Ku Noolaado 10Cisho”

Dhinaca kale Waxa uu ka hadlay Dadka Maskaxda ka jiran, Kaas oo uu sheegay in ayaga Loo samayn doono Guryo lagu xidho kuwaas oo caafimaadkooda Goobtaasi lagula Tacaalo waxaana uu yidhi” “Waxaan Magaalada Hargaysa kaga Dhawaaqi Doonaa Mashruuc Dadka Maskaxda ka jiran Lagag Uruurin Doon Magaalada hargaysa,kuwaas oo uu sheegay In loo samayn doono Guryo ay Galaan,isla markaas Caafimaad kooda Lagula Tacaali Doono,Waxaana uu cadeeyey in lakala Saari Doono Dumarka iyo Raga”Ayuu yidhi

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here