Dawladda Kenya oo Sheegtay inay Soomaaliya kala hadlayso Muranka Badda

0
1023
Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya  Aamina Maxamed
Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed

NAIROBI,(HargeisaPress)-Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay si dhaqso ah wadahadal ugala furayso dowladda Soomaaliya muranka dhinaca badda ah ee labada dal u dhexeeya, kaasoo gaaray heer maxkamadeed.
Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed ayaa wargeyska Daily Nation u sheegtay maanta oo Axad ah inay socdaan dadaallo lagu kulan siinayo madaxweynayaasha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta si ay uga wada-hadlaan murankan badda ee labada dal u dhexeeya.
“Kenya iyo Somalia waxaa u socday wadahadal, balse waxaa nasiib-darro ah in dowladda Soomaaliya ay xirto wadahadalka ayna u gudbiso maxkamad caalami ah dacwad arrintan la xidhiidha,” ayay Aamin tidhi.
Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in dalkeedu uu jeclaa in arrintan aan la gaarsiin heer maxkamadeed, balse lagu dhameeyo si siyaasadeed oo labadan dal gooni u ah, taasoo ay ku tilmaantay inay tahay midda ugu wanaagsan.
Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii bishan dacwad ku saabsan muranka badda ee kala dhexeeya Kenya u gudbisay maxkamadda ICJ, si ay go’aan uga gaarto, iyadoo madaxda Soomaaliya ay sheegeen in lagu daalay in lagu dhameeyo murankan si hoose.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa habeen ka hor ka sheegay Muqdisho inay si cad Kenya isaga go’aansatay inay qayb ka mid ah badda Somalia sheegato, taasoo uu sheegay inay keentay in dowladda Soomaaliya ay qoraal dacwad ah u gudbiso maxkamad caalami ah.
Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamed ayaa sheegtay in kulanka dhexmaraya madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhici doono magaalada New York ee dalka Mareykanka dhammaadka bishan aynu ku jirto, kaddib shirka guud ee Qaramada Midoobay.
“Kulanka Xasan Shiikh iyo Kenyatta wuxuu ka dhici doonaa New York kaddib shirka guud ee Qaramada Midoobay oo dhici doona dhamaadka bishaan, waxaana isku dayi doonnaa in arrintan lagu dhameeyo si dublamaasiyadeed oo aanay cid kale soo dhex-gelin,” ayay mar kale tiri Aamino Maxamed.
Sidoo kale, wasiirradda ayaa sheegtay in Kenya uu xiriir aad u wanaagsan kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya ayna isku dayayaan wax walba oo ay awoodaan si murankan xal looga gaadho.
Hadalka wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa imaanaya xilli dhawaan ay madaxda Soomaaliya sheegeen inay sugayaan go’aanka ay soo saarayso maxkamadda Qaramada Midoobay ee ay dacwadda muranka dhinaca badda ah ee labada dal u dhexeeya.

 
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here