Loolan Siyaasaddeed oo ka bilaamay Golaha wakiilada Somaliland iyo Xidhibaan ka Hadlay Shaqo joojinta Shaqaalaha Wakiilada Walaacna Ka Muujiyey

0
823

Golaha_Wakiilada_SomalilandHargeysa, (HargeisaPress) —Loolanka Siyaasadeed ee Golaha wakiilada oo u dhexeeya Mucaaradka iyo Muxaafadka ayaa sahayday Shaqaalaha Golaha oo gabi ahaanba laga jaray Gunnooyinkii iyo dhaqaalihii lagu socodsiin jiray hawlaha golaha.
Shaqaalaha ayaa maanta sameeyay Shaqo joojin, iyagoo aan furin xafiisyada kala duwan ee Golaha ka dib markii Madaxtooyadu ka jartay Lacagaha Gunnooyinka ah, sida Shidaalka iyo lacagaha hawl maalmeedka lagu fuliyo.
Waxaa Xusid mudan in Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax si aan gabasho lahayn ugu yimid Shaqaalaha oo dayrka dhex tuban islamarkaana ugu yidhi “Waar Hadaad Doontaan Hada Baxa, Dareera” waxaana Shaqaalaha la soo istaagay Xoghayaha wakiilada,isagoo isna Gudoomiye xigeenku ku weeraray weedho ay ka mid yihiin “Waxaas oo Dhan Adaa U Sabab ah”.
Dhanka kale Golaha oo goor dambe fadhiistay Hoolkooda ayaan wax shaqo ahi ka hir galin. Waxaan ka soo xaadirin labada gudoomiye xigeen, waxaana Shir gudoonka soo fadhiistay Gudoomiye Cirro oo markii uu soo galay hoolka Xildhibaanada Muxaafadka ahi baddiba iska dareereen. Ku dhawaad tobaneeyo fadhiga ku soo hadhay oo Gudoomiye Cirro ku wargaliyay inay ka qayb qaataan Dooda xeerka Hay’adda Ilaalinta Tayada ayaanay mudanayaashii fadhiyay dhag u dhigin.
Waxaa doodaasi ka qayb qaatay laba xildhibaan oo kala ah Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal. Waxaana sidaasi ku xidhmay fadhiga Golaha.
Arintan dhaqaalaha Wakiilada lagu jaray ayaa u muuqata mid Mucaaradka lagu dareensiinayo Awooda Madaxtooyadu ku leedahay Golaha Wakiilada. Shalay ayaa Gudoomiye Cirro baajiyay xeerka diwaan galinta oo xukumaddu dabada ka riixaysay sidii duuduub loogu ansixin lahaa, iyadoo Xildhibaanada Muxaafadka ahi ka biyo diideen joojinta Xeerkaasi.

Geesta kale Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa xukumadda ku dhaliilay shaqo joojinta Shaqaalaha wakiiladu sameeyeen ka dib markii gunnada laga jaray. Waxa uu sheegay in Shaqaalaha laga jaray Lacago badan.Shaqaalaha wakiilada ayaa maanta shaqada joojiyey.
Xildhibaanku waxa uu walaac ka muujiyay Miisaaniyadda 2015-ka oo uu sheegay in Goluhu si sahlan u meel marinayo.waxa uu sheegay in Miisaaniyadda lagu dhimay Mushaharka shaqaalaaha “Waxaanan ka hor dhacayn Xiliga Miisaaniyadda la horkeeno Golaha iyo Sacabbada sida fudud loo taagi doono oo aan war-war badan iyo walaac ka sii muujinayo, balse waa mid aanan la qabin ceebtaasi oo aanan qaadanayn,ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here