Somaliland: Guddoomiyaha Guurtida Oo Soo Qaddimay Kalfadhiga 55-aad Ee Golaha Guurtida

0
962

Gudoomiyaha GuurtidaHargeysa, (HargeisaPress) — Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa wakhtigiisii laga soo hormariyay. Soo dedejinta fadhiga Golaha ayaa lagu sababeeyay Arimo muhiim ah oo aan la cayimin.

Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa lagu sheegay in hore loo soo qaddimay Kalfadhiga Golaha waxaana lagu yidhi qoraalka “Waxaa dhamaan mudaneyaasha Golaha guurtidda Jamhuuriyada Somaliland, lagu wargalinayaa in Kalfadhigii 55-aad ee Golaha Guurtidda JSL, oo ku beegnaa 02-11-2014 uu furmayo Maalinta Sabtida oo Taariikhdu tahay 29-11-2014, iyadoo loo soo qaddimay arimo Muhiim ah, Haddii Alle yidhaahdo.

Sidaasi darteed, waxaan ku rajo weynahay inaad sidaasi ula socon doontaan,wakhtigana dhawrtaan”

Golaha Guurtida waxaa u socda fasaxiisa Caadiga ah, balse waxaa horyaala Xeerka Diwaangalinta Madaniga ah ee Dalka ka socota iyo Diwaangalinta Codbixiyaha oo muhiim u ah doorashada sanadka dambe badhtamihiisa la filayo inay dalka ka dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here