Somaliland: Guddida Ka Diyaar Garawga Covid19 Oo Go’aamo Soo Saaray

0
612

Hargaysa (HP): Guddiga ka hor taga xanuunak Covid19 ee Somaliland ayaa maanta soo saaray go’aamo lagu joojinayo duulimaadyadda diyaaradaha ka yimaadda wadamadda qaarkood.

Shir ay maanta guddida ka hor taga Corona Virus ee Somaliland ayaa lagu joojiyay diyaaradaha ka imanaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka laga bilaabo maalinta beri ah.

Iyadoo aanay Somaliland u soo safri karin Rakaabka ka imanaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka.

Sidaasina waxaa laga sheegay shirkii maanta oo uu guddoominayay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna gudoomiyaha guddida heerka qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga xannuunka Covid19.

 

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here