Hargaysa: Maareeyaha Madbacadda Qaranka Oo U Jawaabay Boqor Buurmadow

0
583

Hargaysa (HP): Maareeyaha madbacadda qaranka Somaliland ayaa ka jawaabay hadallo dhaliil iyo eedayn ah oo uu shalay xukuumadda u jeediyay boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow.

Maxamuud Raage, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa uu sheegay in boqorku uu u xil saran yahay arrimaha dhaqanka, balse aanay shaqadiisa ahayn in uu ka hadlo arrimaha dawladda.

Waxaanu ugu baaqay boqorka in uu ka waantoobo arrimaha siyaasadda oo ay xukuumadu u xil saran tahay.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here