BERBERA: Ganacsato Cabasho Ka Muujiyay Shirkadda Kontenariska Perma Container Line

0
1220

Berbera, (HargeisaPress) — Shirkadda Kontenariska Qaada ee Perma Container Line  oo kamid ahayd shirkadaha ka shaqeeya dekado  kala duwan oo ay kamid tahay dekada Berbera  ee Somaliland  ayaa waxay Maanta oo ay taariikhdu Tahay 28/12/2015 kordhisay Lacagta DHII OOGA (DELIVERY ORDER)D/O  oo markii hore uu ahaa kontaynarka 40 feet $140 halka uu 20feet $75 taasi oo ay shirkadda Perma Container Line  ku dartay $15 oo aan meelaba haysan oo ay kaqancin kariwaday dadkii soo raran jiay ee macmiilka u ahaa Taasi oo ay doonayso inay kumeel mariso xoog iyo nidaam aan waafaqsanayn an shaxa iyo nidaamka ganacsiga . Sida waxaa HargeisaPress u sheegay Ganacsade magaciisa qariyay oo ku sugan dekada Berbera .

 

 

“Waxaanu u aragnaa arintan mid aan  marnaba udan ahayn Ganacsatada reer Somaliland marka waxan ugu baaqayaa Ganacsastada kale inay deg deg uga Wareegan Shirkadda Perma Container Line  oo ay soo Rartaan maraakiibta kale ee Kontenariska Qaada Si anshax Xumada shirkadu meesha uga baxdo Taasi oo ay shirkad ahaan shirkadaha kale ee ka shaqeeya Dekadda Berbera ee qada Kontenariska ay ka adeeg xun tahay, Waxaanu si xushmadi ku dheehantahay ka codsanaynaa Maamulka Dekadda inay dib u eegaan dhacdadan ay nagula kacday Shirkadu.

 

 

Ganacsade kana tirsan a ganacsatada Somaliland oo HargeisaPress uga waramay  dhibaatada iyo dulmiga ay kula kacday shirkadda Perma Container Line

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY