Somaliland: Dhibaatadda Dadka Naafadda Ah Ka Haysata Dhismeyaasha Magaalooyinka

0
618

“Finland ayaa noogu deeqay qalab ma haysano lacagtii Markabku ku soo qaadi lahaa waa 15-kun oo dollar”… guddoomiyaha ururka naafadda

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Magaaladda Hargaysa waxa ku yaalla, masaajido, hudheelo, shirkado isgaadhsiineed, goobo waxbarasho, sida iskuuladda dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, jaamacaddo iyo goobo kale oo lagu barto Quraanka Kariimka ah.

Masaajido lagu cibaadaysto, xarumaha caafimaad iyo goobo kale,  kuwaasoo dhammaantoodba loo dhisay qaab casriya, balse waxaanay gebi ahaanba dhismeyaasha kala duwan ee Hargaysa ku yaalaa lahayn  adeeggyadda dadka aan laxaadkoodu dhamayn ama naafadda ah.

Hadaba culayska noocaasi ah ee ay dareemayaan dadka naafadda ah ee u diiday in ay inala mid noqdaan waxaa ka hadlay guddoomiyaha ururka naafadda Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye.

Waxaanu  xukuumadda ugu baaqay in wixii dhisme ah  ee la dhisayo la iska xil saaro in lagu daro goobihii ay mari-lahaayeen dadka aan laxadkoodu dhamayn.

Daahir Xaaji Jaamac Diiriye,  ayaa maanta wargeyska DAWAN faah-faahin ka siiyay dhibta dadka  naafadda ahi ay ku qabaan goob kastoo ay tagaan ama ay adeeg ka doontaan.

Iyadoo aanay jirin dhismeyaal leh adeegyadii dadka baahida gaarka ah qabay. Waxaanu yidhi  “Baaqayga waxaan u dirayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo guddida qandaraasyadda qaranka Somaliland.

Waxaanu idinka codsanaynaa dhisme kastoo aad qandaraaskiisa bixisaan in aad hal mitir oo ay dadka naafadda ahi maraan in aad noogu dartaan. Dadka naafadda ahi Masaajidada maba gallaan, waayo? waxaa laga dhisay jaran-jaro aad Taawar moodo dhererkooda.

Kaabadda yar ee aan hadda marayo ee qofka cur-yaanka ahi isagoo Baaskiilkiisi wata uu marayo, waxaa ay caruurtii uga baaqdeen Malcaamadii iyo dadkii waa weyna ee naafadda ahaa ee waxbaran lahaa ba  goobihii dawladda oo aanay ku geli Karin.

Waxay uga baaqdeen goobihii caafimaadka,kuwii waxbarashada,  xarumihii isgaadhsiinta, waa meelihii ay ka fuuli lahaayeen oo aan jirin.  Sidaasi si la mida Hudheel haddii ay naftu u qabato oo uu is yidhaaho wax ka soo cun kaabaddo dhaadheer ayaa ka hor dhisan, oo ka geli karo”.

Waxaanu intaas raaciyay  “Waxa kaloo ka horeeya qofkii oo lagaba yaabo in intaasi oo dhan qof uu soo dhaafiyay Mar-mar uu ku siibanayo qofkii naafadda ahaa. Kaadh ayaan is idhi soo furo,  Mar-marbaa ila siibtay, Moobilkii waa uu iga jabay.

Xafiis dawladeed ama mid gaar loo leeyahay mid na ma tagno, oo meel aanu u marnaa ma jirto. Dhakhtar ma tagno oo meel aanu u marnaa ma jirto.

Medarasad Quraan ma tagno oo meel aanu u marnaa ma jirto. Wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland na waxaanu ugu baaqaynaa in ay gobolada dalka Bari ilaa Galbeed ay ka hirgeliyaan xarumo u gaara dadka naafadda ah oo ay wax ka bartaan” ayuu yidhi Daahir Xaaji Jaamac Diiriye.

Geesta kale Daahir Xaaji Jaamac Diiriye, guddoomiyaha ururka naafadda Somaliland  waxa kaloo uu sheegay in maalin walba lagu soo biiro Naafadda iyo qubuurahaba.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Naafadda iyo xabaalahaba waa lagu soo biiraa,  ka Mar-marka ku siibta ayaa ku soo biira, ka labada gaadhi ee isku dhacay ku dhaawacma ayaa ku soo biira, ka inta caawa uu seexday isagoo nabad qaba faaligu ku dhacay ayaa ku soo biira.

Ka qodoxdu muddo ee Gaan-gerida ay noqoto ee la jaro ayaa ku soo biira, colaadaha kuwa ku dhaawacma naafadda ayay ku soo biiraan.

Marka waxaan leeyahay dadka naafadda ahi ma aha wax ay u dhasheen  saami gaar loo siiyay na maaha. Waa al-baab furan oo lagu soo biro. Markaa waxaan leeyahay inta aydaan ku soo biirin idinku wax ku biiriya”.

Ugu danbayn gudoomiyaha urrurka naafadda Somaliland ayaa  baaq u diray bulshadda iyo ganacsatada iyo xukuumadda oo uu ugu baaqay in laga taageero kharashkii loogu soo qaadi lahaa agab dalka Finland ugu deeqay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

“Dalka Finland ayaa noogu deeqay qalab, ma haysano haddii aanu nahay dadka naafadda ah lacagtii lagu soo qaadilahaa, lacagta uu Markabku ku soo qaadayaa waa 15-kun oo dollar.

Markaa waxaanu gacansatadda, tujaarta iyo xukuumadda iyo cidkastoo naga caawin karta kharashkaasi aan  ugu baaqaynaa in ay naga taageeraan. Halkaasi ayuu nagaga xaniban yahay, ee halana  caawiyo”ayuu yidhi guddoomiyaha ururka naafadda Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

HARGEISA PRESS.COM/HARGAYSA OFFICE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here