Badhasaabka Buuhoodle Oo Ka Jawaabay Sheegashadda Puntland Ee Gobolkaasi

0
691

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Gudoomiyaha gobolka Buuhoodle ee Somaliland Mustafe Xaaji Cabdi Muuse, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn ay Puntland u jeedisay Somaliland.

Taasoo ah in hay’addaha gargaarku ay soo mariyaan wixii loogu tallo gallay Buuhoodle Somaliland oo aan waxba lagaga qaban.

Mustafe Xaaji Cabdi Muuse, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay ninka sheegtay in uu yahay badhasaabka Puntland ee Boohoodle.

Waxaanu yidhi “Ninka yidhi waxaan ku magacaabanahay gudoomiyaha gobolka Cayn ee Puntland Cabdirisaaq Xaaji Xasan.

Wuxuu yidhi gobolka Buuhoodle Somaliland waxay u aaminsan tahay degmo, taa waxaan ka leeyahay waa war aan sal iyo raad midna lahayn,  sidii dawladdii Daahir Riyaale gobol ugu magacawday ilaa hada waa gobol ka tirsan Somaliland.

Qodobka labaad ninkaasi wuxuu yidhi Inay u mudaharaadaan caawimada iyo waxyaabaha ay bixiyaan beesha caalamku waxay soo maraan Somaliland boqolkiiba sagaashan.

Taasina waxaan leeyahay boqolkiiba sagaashan sababta loo mariyay waa ka tirsanaanta Somaliland iyo danta ka dhaxaysa Somaliland ayaa wax loo mariyaa. Hadii adiga boqolkiiba toban lagu soo mariyo adiga iyo maamulka haydinka muuqato”.

Geesta kale badhasaabka Buuhoodle, ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadda uu xafiiska joogay.

“Muddo gaaban ayaanu xafiiska joognay,  hawlahaa-na waanu wadnaa wixii wax-qabad ahna imika gacanta ayaanu ku heynaa”ayuu yidhi Mustafe Xaaji Cabdi Muuse.

 

HargeisaPress.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here