Golaha Wakiilada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerka Macdanta Dalka

0
1049

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay xeerka macdanta dalka oo ay dhawaan xukuumadu u soo gudbisay.

Fadhiga maanta oo  shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayay xildhibaanaddu ka doodeen xeerka macdanta dalka iyo sida loogu heli lahaa xeer qeexaya sidii looga faa’iidaysan lahaa.

Mudaneyaasha oo ku kala fikir duwanaa dooda xeerka Macdanta Somaliland waxay qaarkood ku doodeen in xeerka Macdanta lagu cadeeyo sida shirkadaha u ilaalinayaan degaanka laga baadhayo macdanta.

Iyagoo muujinayay  in ay lagama maarmaan tahay in lagu cadeeyo xeerka Macdanta Mabaadiida siyaasiga ah ee lagu hayo Macdanta.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ahaa xildhibaanadii doodda maanta ka qayb qaatay  ayaa ku dooday in macdantu ka wada dhaxayso umadda oo dhan.

Waxaanu yidhi “Macdantu waa inaga wada dhaxaysaa ama gobal halaga helo waa inaga wada dhaxaysaa waa in la xoojiyo doorka ay ku yeelanayaan umadda danaynaysa Macdanta.

Dawladu waa in ay heshaa xaqeedii shirkada Macdanta qodaysaana xaqeeda ha hesho waana in xeerkan Macdanta lagu cadeeyaa awooda uu ku leeyahay dadka dagan deegaanka Macdanta la qodayo.

Shirkadaha danaynaya Shirkaduhu in ay daneeyaan xeerkan waa waajib ayay ku tahay waana adaneeyaan waa in aynu ka ilaalino xeerkan Mandanta”.

Sidoo kale xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte,  ayaa isna ku dooday in xeerka Macdanta muhiimad u leeyahay dalka loona baahanyahay in wax laga waydiiyo dadka aqoonta u leh macdanta.

“Waa xeer muhiim u ah dalka waxa uu isku darsaday waana loo baahnaa in xeerkan Macdanta wakhtigan laynoo soo gudbiyo waana xeer farsamo lana mid maaha xeerka Arimaha Bulshada.

Waana xeer aad u balaaadhan runtii waxaana macdanta aqoonteeda iyo hawlaheedu waa inagu cusub yahay.

Waxaana loo baahanyahay in dad khubaro ahi golaha yimaadaan oo warbixino inaga siiya ku sahabsan macdanta. Waana aynu u baahanay in aynu la soo baxno Macdanteena.

Waana in laga feejignaadaa in dhibaatooyin inooga yimaadaan Macdanta waa in xeerkan ay la socotaa mabaadiida siyaasiga ah ee lagu hagayo xeerkan Macdanta” ayuu yidhi xildhibaan Rayte.

Waxa kaloo isna doodii maanta ee xeerka macdanta ka hadlay xildhibaan Faarax Maxamed Cali, waxaanu soo jeediyay in loo baahan yahay in xeerkan Macdanta uu damaanaq qaado badbaadinta degaanka laga baadhayo Macdanta.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrinta ku sahabsan in la ilaaliyo deegaanka Macdanta laga baadhayo oo uu u badbaado waana in xeerka Macdanta uu damaanad qaado sida deegaanka loo badbaadinayo.

Waana in lagu cadeeyaa xeerka sida horumar loogu samaynayo dadka deegaanka ee laga baadhayo Macdanta waxaana loo baahanyahay in ka gole ahaan la tashano dadka aqoonta u leh macdanta”.

Dhinaca kale doodan ku saabsan xeerka macdanta dalka ayaa la filayaa in ay fadhiyadda golaha ka sii socon doonto. iyadoo marka danbe-na ay ansixin doonaan ama ay xukuumadda dib ugu celin doodaan.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here