Somaliland: Cuqaal Iyo Odayaal Lagu Xidh-Xidhay Magaalada Ceerigaabo

0
768

Ceel-afweyn, Somaliland (HargeisaPress) —Degmadda  Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa shalay lagu xidhay Cuqaal Iyo Odayaal Ka  Soo Jeeda Beesha Galbeedka Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

 

 

Odayaashan ayaa warku sheegay in  gudoomiyaha gobolka Sanaag u xidhay arrin hore ay uga garnaqeen Madax dhaqmeed Gobolka Sanaag oo uu hormuud ka yahay Boqor Cismaan Buurmadaw.

 

Odayaasha la xidhxidhay waxaa ka mid ah ‘

 

1-Caaqilka Maxamuud  Aadan Xuseen

2-Oday Axmed Shire  Maxamed

3- Yusuf Maxamed Ducaale

4-Maxamuud Shiine Cudaale

5-   Axmed Maxamed Xuseen oo ah Gudoomiyaha Degmadda kal Sheekh). “Labada gacan ku dhiigle way xidhan yihiin, arrintana waxaa dhex galay Salaadiin uu hoggaaminayo Boqor Cusmaan Buurmadow, waana la kala xukumay, annaga waxaa lanagu xukumay 180 halaad, qoladda kalena 140 halaad, intii lanagu xukumay waa naga gabagabo, qoladda kalena waxaa la isku ogaa in magtaas mar la wadda keeno,” sidaa waxaa yidhi,Gudoomiyaha guddiga Horumarinta ee Beesha Axmed Cabdikariim Ducaale (Walhad).

 

Liibaan Maaweel Shire oo arrintan ka hadlay ayaa isna yidhi, “Badhasabaaka Sanaag waxaad moodaa inuu degdegayo waa in aan laga daba tagin sidii xukunkaa odayadu ku dhameeyeen, markaa waxaan ugu baaqayaa xukuumadda gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo Madaxtooyadda in ay arrintaas wax ka qabato.”

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here