Soddonkii Maalmood Ee Oo Aduunka Gilgilay Qallinkii: Ahmedyasin Sh Cumar Ahmed Fure

0
1122
Ahmedyasin Sh Cumar Sh Ahmed

Maxay ka dhigan tahay Brexit?

Waa ereyga Loo isticmaalayo kabixitaanka  UK ka baxayday EU – ayaa eraya Britian BR PLUS Exit waxaanad helaysaa BREXIT

natiijada Aftida EU, tirinta dhameystiran

Leave  Vote share    51.9%  CODADKA17.410.742CODADKA

Remain Vote share  48.1% CODADKA16.141.241CODADKA

 

Marxaladani waxay ka mid tahay dhacdooyinka 32 cisho ee udanbeeyay aduunka gilgilay waxay argagax galisay Jiritaanka ururka midawga yurub iyo siyaasadii England gudihiisa oo hogaankii wadanku ku dhawaaqay iscasilaad

 

Midowga Yurub – inta badan loo yaqaan EU – waa iskaashi dhaqaale iyo siyaasadeed ku lug leh 28 dal oo Yurub ah. Waxaa la bilaabay ka dib markii War World uu dhamaaday in ay reer yurub kor u qaadaan  iskaashiga dhaqaale ,awood iyo horumarba .

 

UK wuxuu ka mid yahay dalalka ugu waaweyn ee dhaqaalaha ugu badan bixin jiray EU dhexdiisa balse danbadan aan ku qabin inuu kasii mid ahaado taas ayaana sabab u noqotay inay shacab reer UK ay doorbidaan inaanay kasii mid ahaanin

  • Weerarkii airport stanbul ee turkey-ga ka dhacay.

weerar iyo qarax ka dhacay garoonka Istanbul ee Ataturk waxaana lagu dilay 41 qof, oo ugu yaraan 13 oo ka mid ahi ahaayeen dad ajnabiga ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 230.

 

Weerarkani wuxuu ahaa mid si qorshaysan looga fuliyay wadanka turkey wuxuu argagax ku galiyay amnigii wadanka turkey-ga waxaana ku luglahaa ururada argagixisada ee loogu yeedho ISIS .

 

  • Weerarkii baqdaad ka dhacay

 

Qarax ba’an oo ka dhacay baqdad meel dadku ganacsanayeen ayaa  lagu dilay in ka badan 200 oo qof, oo ay ku jiraan carruur badan. Waxay ahayd maalintii u danbaysay ee ramadaan oo dadku usoo baxeen inay iibsadaan dhar cusub oo ay xidhaan maalinta ciida, waxaanu qaraxaasi gilgilay dhamaan dareenkii dadka muslim ee aduunka ku nool

 

  • Eedayntii Dagaalkii ciraaq UK, USA(Chilcot inquiry)

6 July 2016 wuxuu raisal warihii hore ee Ingiriisku  tony blair ayaa ka bixiyay raaligallin waxaanu sheegay inuu ka xun yahay wixii dhib ee soo gaadhay shacabkii reer ciraaq waxaanu qaatay masuuliyadii isagoon waxkale u sababaynay inay iyagu masuulka ahaayeen burburkii dawladii sadam Hussein iyo dhimashadii dadka reer Iraq(I accept full responsibility without exception or excuse)

  • Alton sterling oo askari si badheedh ah ugu dishay dalka maraykan

Saacadu markay ahayd 12:35 pm ee July 5 2016 meel ku taal wadada 2112 waqooyiga Foster drive Baton rouge Louisiana USA ayaa waxaa lagu dilay nin madaw oo shicib ah la yidhaahdo alton sterling si badheedh ah waxaana dilay 2 nin oo ka tirsan police-ka tirsan askatka baton rouge marxaladdaasi waxay xoog u kicisay dareenkii shacabka waxaana dhamaan dadkii gobolka daganaa abaabuleen mudaaharaadyo joogta ah oo cunsurinimada kazoo horjeeda

  • 5 Askar ah oo lagu dilay Dalas USA

Jul 07 2016 micah Xavier Johson ayaa wuxuu magaalada dalas ee gobolka taxes  ku dilay 5 askari kuna dhaawacay 9 askari ninkan madoobi wuxuu ahaa askari maraykan ah oo kazoo dagaalamay Afganistan waxaase uu ka cadhoodhay askarta dilays dadka madaw ee aan waxba galabsan waxaanay dilalkani sii kiciyeen shucuurta shacabka reer maraykan

  • Xabsi daain lagu xukumay Oscar Pistorius

Oscar Pistorius waa Orodyahan bilado caalami ah ku guulaystay oo south African ah waana ciyaaryahan 2 lugoodba waayay isagoo yar oo 11 jir ah wuxuu gacantiisa ku dilay gabadh sxbadii ahayd 14 feb 2013 magaalad preteria ee dalka south Africa waxaanu ku doodayay in uu isagoo maydhaya uu shikiyay oo uu qof soo weeraray isna difaaca inkastoo la xidhay waxaana la xukumay xabsi daa’in 07 july 2016 , dacwadiisana waxaa isha ku hayay taageerayaashiisa iyo aduun waynaha intooda badan

  • Nin bus wade ah oo dilay 84 qof ku dilay Paris 252 qofna dhaawacay

Diriwal bus wadde ah oo u dhashay asal ahaan wadanka Tunisia laakiin leh dhalasho faransiis ah ayaa wuxuu si badheedh ah uu u dilay 48 qof iyo 252 dhaawac ah oo ay 52 qof ku sugan xaalad xun nin magaciisu waa Mohamed Bouhle arintani waxay argagax wayn ku riday dadka reer faransiis iyo aduunka intiisa kale

  • Afgambigii fashilmay ee Dalka Turkey-ga

Afgambigii fashilmay ee turkey-gu waa gariiryadii ugu waynaa ee aduunka ka dhaca waxaa ka dambeeyay ciidamada military-ga waxay saacado 9kii habeenimo la wareegeen airportka Istanbul iyo brigdes waaweyn ee magaaloyinka Istanbul iyo Ankara telefishanka dawliga ayay la wareegeen iyo qasriga baarlamaanka waxaa halkaas ku dhintay 300 oo qof waxaana dhaawacmay 2100 qof .

Waxaa afgambigaa badbaadiyay dadwaynihii turkey-ga oo nidaamka caskariga ah kazoo horjeeda in ay dib ugu soo laabtaan maadaama dimiqraadiyad ka hirgashay wadanka  waxaanu madaxwene ordogon ku dhawaaqay inay dadku isku soo baxaan masaajidadana takbiir lagaga dhawaaqo afgambigaasi markii u fashilmay kaantoroolkiina dawlada gacanteeda kusoo noqday waxaa la xidhay ilaa 6000 qof oo 2839 askar yihiin2745 judges yihiin waxaa sharcigii ay ku shaqasanayeen laga qaaday 21000 oo qof oo macalimiin ah habeenkan aduunka oo dhami waxay daawanayeen inqilaabkaas ka dhacayay Turkey-ga wuxuuna sameeyay inqilaabkani dhamaan islaamka aduunka ku nool oo dhan .

  • Euro 2016

Ciyaarihii tartanka yurub ee2016 ayaa wuxuu ahaa mid dareenka aduunka badalay markii natiijadii u danbaysay july 10 2016 ay team aan la filanayni ku guulaysteen koobkii yurub ee 2016 waxaa kulmay labada qaran ee French VS Portuqal oo awood ahaan la filayay in ay koobka qaataan faransiiska maadaama lagu dhigay koobkana wadanka faransiiska laakiin markaliya ayay isbadaleen wixii la filanayay waxaana koobkii ku guulaystay markii waqti dheeraad ah lagu daray dalka Portuqal.

  • Raisal wasaarihii cusbaa ee dalka Ingiriiska

Dalka ingiriiska wuxuu galay xaalad siyaasadeed oo raisal wasaare David Cameroon ku kaliftay inuu is casilo waxaanu baneeyay jadadii raisal wasaarenimada isagoo ku saleeyay maadaama uu mesha ka baxay fikirkii uu aaminsanaa ee ahaa in UK kasii mid ahaato Europe waxaa ka dhacay loolan adag xisbigii conservative oo u dhaxeeyay Gabadha imika raisal wasaaraha noqotay Therese may  iyo maayarkii hore ee London boros Jonhson balse waxaa ku guulaysatay 11 jul 2016  Therese may fikir ahaana waxay aaminsanayd in ay amni ahaan ka fiican tahay in UK kusii jirto Europe in ay ka baxdo balse waxay hadalkeeda kaambaynka carabka ku haysay in dadka reer UK ay midayn doonto jiho wanaagsana u dhaqaajin doonto hadii ay jagadaa ku guulaysato .

 

 

Qallinkii: Ahmedyasin Sh Cumar Ahmed Fure

ahyasen216@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here