Shirweynaha Cimilada Adduunka Oo ka Furmaya Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska

0
793

Paris, (HargeisaPress) — Kulan lagu doonayo in lagu gaadho heshiis wax looga qabanaya is-badalka cimilada ayaa ka furmay magaalada Paris ee dalka France; waxaana shirkaas ka qaybgalaya 15-hoggaamiye oo caalamka oo dhan ka kala socda.

 

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in la gaadho heshiis la isku raacsan yahay, kaasoo wax looga qabanayo cimilada sii xumaanaysa ee Dunida, taasoo ay dad badan ka cabanayaan.

 

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegaya in hadal uu jeediyay Maraykanku uu sababay carro badan; kaddib markii uu ku adkaystay in dalalka hantida leh aysan hadda kadib aqbalin in ay dusha u ritaan mas’uuliyad ka badan tan dalalka soo korayo marka ay timaado yaraynta gaaska hawada wasakheeyo.

Shirka_Cilimada_Adduunka_Paris (2)

 

 

Hindiya ayaa si wayn arintaasi uga soo horjeedo hadalkan oo ku dooday in Maraykanka uu isku-dayayo inuu mas’uuliyaiisa ka baxsado.

 

Sidoo kale, malaayiin qof ayaa shalay dibad-baxyo ka sameyay caalamka, ka hor intaan la qaban shirka isbadalka cimilada Adduunka ee ka dhacaya caasimadda Paris. Kumanaan qof ayaa iyagana isugu soo baxday magalooyinka Sydney, Seattle, Honkong, Barlin, London iyo Sao Paolo.

 

Magaalada Paris ayaa waxaa weli saaran xukun deg-deg ah oo ay dowladdu ku soo rogtay, waxaana la mamnuucay dibad-baxyada, iyadoo dadka dibad-baxa dhigaya qaarkood ayaa kaboohada waxay ku xardheen farriimo ay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha caalamka inay wax ka qabtaan isbedelka cimilada.

Shirka_Cilimada_Adduunka_Paris (1)

 

 

Ugu dambeyn, Pope Francis iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa iyagana soo dhiibay kabo si loogu biiriyo kuwa lagu xardhay in wax laga qabto kulka hawada.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here