Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ee Magaalada Laascaanood oo Amar Culus La Dul-dhigay

0
2722

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo Milateri ah oo ka tirsan Somaliland ay la wareegeen Xarumaha Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Telesom, Somtel iyo Golis ee magaalada Laascaanood.

Waxaanay wararku ay intaasi ku darayaan in Xukuumadda Somaliland ay Shirkaddahaasi Isgaadhsiinta ku amartay in ay hawada ka saaraan Adeegga Internetka ee magaalada.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore warqad amar ah ugu qortay shirkaddaha Isgaadhsiinta in ay Internetka hawada ka saaraan.

Sidoo kale, wararka ay helayso Shabakada HargeisaPress, ayaa waxaa ay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay Maamulihii Shirkadda Telesom ee gobolka Sool.

Hase yeeshee, waxaa ay wararku tibaaxayaan in si caadi ah ay u shaqeynayaan adeegyadii kale ee Isgaadhsiinta, sida; Wicitaannada Telefoonnada iyo Lacagaha Electronicska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here