Shirkadda Sahamiye Foundation Oo Agab Caafimaad Ku Wareejisay Somaliland

0
495

Hargaysa (Hargeisa Press): Shirkadda Sahamiye foundation ayaa maanta wasaaradda caafimaadka Somaliland ku wareejisay agab caafimaad oo qaybo badan isugu jira.

Qabakaasi ayaa ka koobnaa 1 milyan iyo 300,000 kun oo Af-xidhka Coronavirus lagaga gaashaanto ah iyo iyo 50,000 oo xabadood ah darreeraha Gacmaha lagu maydho ah.

Shirkadda Sahamiye foundation oo ย uu aasaasay mulkiilaha shirkadda World Remitย  Ismaaciil Axmed, ayaa agabkan caafimaad ugu tallo gashay in ay bulshadda Somaliland ku caawiso xili uu dalka ka taagan yahay xanuunka Covid-19.

Kuwaasoo oo loogu tallo galay in bulshadda ku tukanaysa masaajidadda si bilaash ah salaadaha Taraawiixda ee xiligan Ramadaanta la tukado.

Waxaana agabkaasi caafimaadka shirkadda Sahamiye foundation kala wareegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, oo isna ku wareejiyay wasiirka diinta iyo awqaafta.

 

DAAWO: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here