Wasiirka Ciyaaraha Somaliland iyo Weftigii Uu Hoggaaminayay oo Dalka Kusoo Laabtay

0
582

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa galabta dalka ku soo laabtay wefti uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland  Cabdirisaaq Muuse Faarax oo muddo 7 Maalmood  ah safar shaqo ugu maqnaa dalka Itoobiya.

Wasiirka,  ayaa socdaalkiisu la xidhiidhay ka qayb galka xaflada 18 May ee lagu qabtay dalka Itoobiya, taas oo ay soo marti qaaday safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya.

Wasiirka waxa socdaalkiisa shaqo ka mid ahaa u diyaargarawga shir weynaha diblomaasiyada dhallinyarada Afrika oo doorkan lagu qaban doona caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Sidoo kale, waxa agaasinka shirkan door weyn ku leh Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka ciyaaruhu wuxuu dalka Itoobiya muddadii uu ku sugnaa la kulmay Wasiirul-dawlaha Ciyaaraha Itoobiya, oo ay ka wada hadleen sidii labada wasaaradood u yeellan lahaayeen iskaashi shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here