Dekedda Berbera oo Kaalinta 2aad Ka-Gashay 10ka Dekedood Ee Qaarada Afrika

0
1999

Berbera (Hargeisa Press)- Warbaahinta caalamiga ah ee Business Insider Africa, ayaa waxaa ay warbixin ka qortay tobanka dekedood ee ugu adeega wanaagsan qaarada Afrika.

Warbixinta warbaahinta Business Insider Africa, ayaa waxaa lagu sheegay in 10-ka dekedood ee ugu adeega wanaagsan Qaarada Afrika ay marsada dekedda Berbera ka gashay Kaalinta 2aad.

Warbixintan, ayaa waxa qoray weriye Chinedu Okafor oo ah suxufi khibrad u leh ganacsiga iyo dekedaha. Waxaanu soo bandhigay dekedaha ugu horreeya qaarada Afrika.

Warbixintu waxay caddaysay in dekedda Berbera ee Somaliland ay kaalinta labaad ka gashay liiska kala horeynta dekedaha Afrika. Waxana sida lagu xusay warbixintan ka horreysa oo kaliya dekedda Jabuuti.

Waxa kaalinta saddexaad ku jirtay dekedda Conakry ee dalka Guinea, halka kaalinta Afraad ay gashay marsada Dakar ee waddanka Senegal.

Waxa kaalinta saddexaad ku jirtay dekedda Conakry ee dalka Guinea, halka kaalinta Afraad ay gashay marsada Dakar ee waddanka Senegal.

Waxa kale oo lixda kala yihiin:-

5.Dekedda Matadi Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo.

6.Marsada Tema ee waddanka Ghana.

7.Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya.

8.Dekedda Beira ee dalka Musambiig.

9.Dekedda Freetown ee Sierraleone.

10.Dekeda Toamasina ee waddanka Madagaskar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here