Machadka Al-Azhar oo Laga Furay Magaalada Wajaale

0
434

Wajaale (Hargeisa Press)- Magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa waxaa laga furay Machadka Al Azhar oo ka mid ah Madaariista diiniga ah ee waxlagu barto.

Machadka Al Azhar, ayaa waxaa lagu baran doono culuumta Shareecada Islaamka iyo Luuqada.

Munaasibad balaadhan oo lagu daah-furayay Maxadka Al Azhar, ayaa waxaa ka soo qayb galay Madax kala duwan oo ka socda magaalada Wajaale, Culumaa U Diin, Macalimiin, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Maamulaha guud ee Maxadka Al Azhar, Sheekh Axmed Sheekh Maxamuud oo ugu horayn munaasibada hadal ka jeediyay, ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay Maxadka iyo Culuumta uu bixin doono.

Waxaana maamule Sheekh Axmed sheegay in Manhajka Maxadku yahay mid la soo tijaabiyay islamarkaana lagu najaxay.

Maamulaha maxadka Al Azhar, ayaa sidoo kale si qotodheer u sharaxay qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Manhajka Maxadku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here