Danjire Barwaani: “Turkigu Wuu Iman Karaa Somaliland Hadii Uu Heshiis La-Galo…”

0
2592

Nairobi (Hargeisa Press)- Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani), ayaa sheegay in heshiiska is-fahan ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya uu wax weyn ka tari doono dhaqaalaha iyo Ganacsiga Geeska Afrika.

Danjire Barawaani, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu u warramayey warbaahinta caalamiga ah, waxaanu sheegay in bogcada istaraatajiga ah ee ay Somaliland ku taallaa ka dhigayso inay door hormuudnimo ka qaadato isdhexgalka dhaqaalaha iyo ganacsiga mandaqada.

Wuxuu xusay Danjire Barawaani in Turkigu heshiisyada uu la galo Soomaaliya aanay saamayn ku yeellan karin Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee Kenya, ayaa wuxuu sheegay in Turkigu ku iman karo badda iyo dhulka Somaliland haddii uu heshiis la galo oo keliya Xukuumadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u sheegtay in farsamo ahaan la dhammaystiray heshiiskii isfahan ee ay 1dii bishii January ee la soo dhaafay ay Addis Ababa ku kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kaasi oo ku saabsanaa in Somaliland 20km oo xeebteeda ah ay ka kirayso Itoobiya, waxana ay taas ku beddelanaysaa in Itoobiya ku dhawaaqdo aqoonsiga madaxbanaannida Somaliland.

Sidoo kale, danjire Barawaani waxaa uu sheegay in Somaliland ka go’an tahay inuu nabadoobo gobolka Sool, waxase uu dhallanteed ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Soomaaliya ee la xidhiidhay inay maamul u aqoonsatay kooxda SSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here