Khasaare Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Galbeedka Magaaladda Hargaysa

0
601

Hargaysa (HP):Saddex qof ayaa ku dhaawacmay shil gaadhi oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Makhaayadda Innanta iyo kaantaroolka Gelbeed ee dhinaca galbeed ee magaaladda Hargaysa.

Sidoo kale waxaa shilkaasi ka dhashay khasaare hantiyeed oo sababay in baabuurkii shilka galay uu bur-bur badani soo gaadhay.

Baabuurka shilka gallay oo noociisu ahaa Iska-roggo ayaa siday Caws, iyadoo ay sidoo kalena saarnaayeen dad ka mid ahaa kuwii dhaawacmay.

Kadib markii shilkaasi dhacay waxaa halkaasi gaadhay ciidamadda nabadgeliyadda waddooyinka ee Somaliland oo uu hogaaminayay taliyaha ciidankaasi.

Taliyaha oo warbaahinta uga warbixiyay khasaaraha ka dhashay shilkaasi iyo waxa sababay ayaa sheegay in uu ka mid yahay shilalka ay sababeen derawal xumadu, maadaama oo aanay wadadu wax bur-bur ah lahayn oo ay cusub tahay.

Waxaanu tilmaamay in wadadan cusub waxyaabaha shilalkeedda keenaa ay koow ka tahay waa derawal xumo.

Taliyaaha taraafikadu waxa kaloo uu sheegay in todobaadkan oo keliya ay wadadaasi ka dhaceen ilaa toban shil, isagoona mar kale sababta dhibaatadaasi waxaa keenaya dusha u saaray derawal xumo ka dhalay wadeyaasha gaadiidka.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here