Fannaanada Xabiiba Cabdilahi Balbalaaf Maxay ka tidhi Somaliland.

0
832

Hargeysa, (HargeisaPress) —Fannaanada caanka ah  ee Xabiiba Cabdillaahi Balbalaaf oo socdaal ku joogta  caasimadda Somaliland ee Hargeysa Ayaa dareenkeeda ka muujisay  waxyaabihii ugu yaabka badnaa ama soo jiitay, ee ay ku aragtay Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa oo ay ku sugnayd dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyey.

 

“kolka hore waxaan salaamayaa dhammaanba shacbiga Somaliland iyo madaxdoodaba,iyo sidoo kale bahda fannaaniinta,waa meel run ahaantii aan ku leeyahay asxaab badan iyo taageerayaal badan oo fanakayga si weyn u xiiseeya aniguna si aad ah u jecelahay,taariikh weyna ku leh,aasaaka iyo horumarka fanka soomaalida,intaa ka bacdi  waxa huunno  socdaalkayga wakhtigan ee Somaliland  iigu  xigtay 6 sano ka hor,xilligaasi oo ku beegnayd 2010kii,run ahaantii waxyaabaha sida aadka ah ii soo jiitay,haddaan wax kaaga sheego waxa ka mid ah isbedelka weyn ee ka muuqda madaarka hargeysa,waayo?madaaradu  waxay ka mid yihiin  meelaha qofku marka uu waddan soo galo kolka ugu horraysa  isha ku dhufanayo,waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay horumarka casriga ah ee lagu sameeyey,oo aan ka  odhan karo kolkaasi hore ma uuna aheen garoon diyaaradeed oo u qalma caasimada Somaliland, laakiin maanta  waxaan odhan karaa waa heer caalami,dhismaha iyo bilicda ka muuqata,qaabka loogu adeegayo dadka,nidaamka ka muuqda ,iyo wax kastiba,waxaanan jecelahay inaan ku baogaadiyo dawladda Somaliland, horumarkaasi ay dadkeega u waddo.”

 

Fannaanada xabiiba cabdillahi balbalaaf  oo socdaalkeeda wakhtigan ee Caasimadda Somaliland ku tilmaantay mid aan wax xidhiidh ah  la lahayn arrimo dhinaca fanka ah, isla markaana uu khaas  u yahay hawlo u gaar ah iyada iyo asxaabteeda ku wehelisa  socdaalkan,taasi oo sida ay sheegtay wakhti qaadan doonta,waxay geesta kale sheegtay inay ku aragtay oo kale  magaalada maalmihii koobnaa ee ay joogtay waxyaabo badan oo xiisaha iyada iyo asxaabteeda soo jiitay.

 

”waxaan walaal ka mid ah dhismayaasha waaweyn qaaliga runtii ah,aadkana u quruxda badan oo aan ku arkay badhtamaha suuqa iyo qaybo badan oo kale  oo magaalada ah,kuwo socda oo ay muuqato in gacanta hadda lagu hayo,waa wax aad u kala fog sannadyadii horeeto iyo imika,way fiican tahay, waxey markhaati u tahay sida dadku waddankooga uga shaqaysanayaan hanti kastina u gelinyaan,

 

Halkan hoose ka daawo

 

Gebagebadii xabiiba balbalaaf fannaanada weyn ee reer jabuuti waxay sheegtay in si weyn ugu mahad celinayso soo dhoweynta loo muujiyay,iyadoo ku tilmaantay wax aan sinaba loo illoobi Karin.

 

Fannaanada xabiibo cabdillaahi babalaaf, oo fanka si weyn uga dhex muuqatay dhawr iyo soddonkii sannadood ee lasoo dhaafay,ayaa ka sokow waddanka jabuuti ee ay kasoo jeeddo oo ah halkii uu ka hana-qaaday fankeedu,waxa lagu tilmaamaa fannaaniinta safka hore kaga jira fanka dadka soomaalida,isla markaana sida aadka ah loo xiiseeyo qaab faneedkeeda,iyadoo dadka qaybo ka mid ahina ayba u dareemaan gabadh kul kulul oo leh sharaarad dabiici ah,badiyaana ku gardarro badan ragga, khaasatan kolka ay metelayso qaabka jilista sheekada masraxa,iyadoo si weyn loogu xasuusto qaar ka mid ah riwaayadahii caan baxay ee  ay xiddigta ka ahayd xabiibo,ee “Ragow aarsi haween u adkaysta markiinna, iyo Qaahira oo uu allifay A.H.N Abwaankii ibraahim sh.saleebaan(ibraahin gadhle).

 

Si kastaba ha ahaatee bulshada reer Somaliland ayaa xabiiba balbalaaf waxay si gaar ah ugu xasuustaan doorkii muuqday iyo wacdarihii ay ka muujisay xafladihii  xuska 25 guurada madax bannaanida Somaliland ee lagu qabtay jamhuuriyadda jibuti sanndkan 2016ka.

 

Cali Axmed Cawaale.(caanodhame)

caanodhame@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here