Shirkad Isku Xidhaysa Mashaariicda Horumarineed Iyo Ganacsiga Turkiga Iyo Somaliland Oo Istanbul Lagaga Dhawaaqay + SAWIRRO

0
1106

Istanbul,(HargeisaPress) —Shirkad isku xidhaysa mashaariicda horumarineed iyo ganacsiga u dhaxeeya wadamadda somaliland Iyo Turkiga ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Istanbul

Shirkadan oo lagu magacaabo  DAT International Trade Company  ayaa munaasibadii lagaga dhawaaqayey waxa ka soo qayb galay wasiirka horumarinta maalgashiga somaliland Maxamed Axmed Cawad, Madaxweynaha jaamacada Beykent ee dalka Turkiga, ganacsato u dhashay Turkiga, jaaliyada somaliland ee dalkaasi iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha shirkada DAT International Trade Company  Mubaarig Xasan Ciise oo ka hadlay munaasibadan ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay waxyaabaha ay qaban doonto shirkadani, waxaanu yidhi “Shirkada DAT International Trade Company waa mid isku xidhaysa ganacsiga wadamada somaliland iyo Turkiga, hawlaha ay qaban doontana waxa ugu muhiimsan

  1. Soo diyaarinta iyo isku dubaridka mashaariicaha horumarineed ee laga fulin karo somaliland, taas oo aanu kala xidhiidhi doono hadba cidii ay khusayso.
  2. Guryo iibinta dalka Turkiga taasoo qiimo macquul ah aad ku heli kartid guryo jaban iyo Turkish passport.
  3. Dadka u baahan inay caafimaad u tagaan dalka Turkiga waxa loo fududayn doona fiisaha dalka ku galka, marka ay Turkiga yimaadaana waxa loo diyaarin doonaa dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin laga bilaabo garoonka diyaaradaha, Hotelada la dagayo iyo dhakhtarada uu qofku tagayo, iyada oo gacan aamin ahi ay diyaarin doonto adeegyadaasi.
  4. Waxbarashada iyo jaamacadaha oo qiimo dhimis(50%) ah aanu diyaarinay.
  5. Cargo Turkiga taasoo diyaarad iyo markab hadba kii aad doonto aanu diyaarinay.
  6. Hadii ay jiraan dalab aad uga baahantahay Turkiga oo aanu kugu keenayno halkaad joogto.

Sidoo kale wasiirka horumarinta maalgashiga somaliland Maxamed Axmed Cawad oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey shirkada DAT, isaga oo sheegay in shirkadani ay sii xoojinayso xidhiidhka ka dhaxeeya labada wadan ee somaliland iyo Turkiga.

Madaxweynaha jaamacada Beykent ee dalka Turkiga oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey  shirkadan cusub.

Sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada dalka Turkiga iyo xubno ka mid ah jaaliyada somaliland ee dalkaasi oo iyaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey shirkadan DAT International Trade iyaga oo soo bandhigay faa,iidada laga helayo iyo waxyaabaha ay soo kordhinayso.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here