Shirka Womenintech2018 ee Somaliland ka qabsoomay waxaa furay Wasiirka Boosaha & Isgaadhsiinta Somaliland

0
1192
Abdirashid Ibrahim Sh.Abdirahman Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Hargeisa – Munaasabad loogu magac daray Womenintechweek2018 ayaa caawa Hargeisa ka qabsoontay, waa munaasabad ka mid ahayd mid dunnida oo dhan caawa ka wada qabsoontay oo ay Somaliland ka mid ahayd. Waxaan ka idhi kalmado kooban oo ku saabsan fursadaha ay Technology-yadu dalka keentay, fursadahaasi oo ay innoo suuro galiyeen shirkadaha adeega Tiknoolajiyada bixiya ee dalku; #Telesom#SOMTEL & #SOMCABLE oo adeegyo tusaale nool u ah faaiidooyinka Tiknoolajiyada horteena keenay; E-Dahab & Zaad.

Waa dhawayd oo aan shir ka qayb galay ayaa gabadh shirka kasoo qayb gashay aan u sheegay in aan Somaliland ka socdo, waa ay garatay oo ay xustay in ay dhawaan ahayd markii ay baratay, waxay tidhi waayadan Somaliland waxaa ku badan Tech Hubs ka, Tech Innovations ka & ganacsiyada la xidhiidha Fintech. Waxaan uga jeedaa, kulamada noocan ah ee #Womenintechweek2018 oo kale ah kaliya ma aha wacyi gelimo dhanka Tiknoolajiyada iyo faaiidooyinkooda ah, balse Map ka dunnida meel ayuu inagaga darayaa – gabadha aan shirka ku kulanay waxay ii sheegtay in ay siddoo kale #Somaliland aad uga sii baratay marka ay akhrido taariikhda shirkada WorldRemit.

#Womenintechweek2018, Kulan kan caalamiga ah ee ay qaban qaabisay Women in Technology Africa wuxuu ahaa mid qiimo badan oo lagaga waramayay muhiimada Tiknoolajiyadu u leedahay haweenka & fursadaha ay sido ee ay tahay in laga faaiidaysto oo aan anna ereyo ku darsaday.

Waxaa dunnida la isku raacsan yahay in tiknoolijiyaddu kaalinta koobaad kaga jirto imkaaniyaad ka kobciya dhaqaalaha dalalka iyo in ay tahay halka dunnida shaqooyinka ugu badan iyo fursadaha ugu badani ay yaalaan imana doonnaan. Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Labaad na uu hiigsanayo in la helo bulsho ka faaiidaysata faaiidooyinka ku lamaan tiknoolajiyada.

In haweenka la barro farsamada tiknoolajiyadda cusub ee ICT waxay keenaysaa in ay ka soo baxaan shaqooyinka hoose ee ay suuqyada dalka ka hayaan oo ay u soo baxaan shaqooyinka xafiisyada, taasi waxay keenaysaa in koboc dhaqaale ay la kulmaan marka ay ka faaiidaystaan tiknoolajiyada. Maanta waxaa suuro gal ah in aad tukaan ka furato Amazon dhexdiisa ama Ali Baba dhexdiisa. Dalka Kenya gabadh la yidhaahdo Njeri Rionge oo 19 jir ahayd isla markaana Yoghurt & dharka la wareegi jirtay kuna iibin jirtay dugsiyada Nairobi ayaa markii ay baratay farsamada ICT-ga la timid fikir cusub oo ah in ay samayso shirkad baahiyaha internet ka haqab tirta bulshadeeda oo la yidhaahdo Wananchi Online. Shirkadaasi sannadkii hore wuxuu dhaqaalaheedu ahaa $57.5 Milyan – daalaco wananchi.com

Gabo-gabadii, tiknoolajiyadda waxaa ku lamaan fursado badan oo laga faaiidaysan karo. Waxaa dalkeena ka banaan fursado badan oo dhanka samaynta ama la imaanshaha fikiradaha Mobile application ka ah oo aan kaaga baahnayn aqoon balse fikir uun kaaga baahan dabadeed aad la kaashan karto dad aqoon u leh samanta barnaamijyada farsamo ahaan. Waxaa dalkeena loogu baahi badan yahay dad khubaro ku ah sida loo sameeyo barnaamijyada oo ay badan yihiin fursadahoodu.

Marka laga hadlayo ICT-ga ma ahan wax u gaar ah ragga, balse waa fursad cid kasta oo si fiican uga barataa ay ka faaiidaysan karto.

Shirka #Womenintech2018 ee Somaliland ka qabsoomay waxaa caawa furay Wasiirka Boosaha & Isgaadhsiinta Somaliland, Dr. Abdiwali Abdillahi Suufi. Photo (C) Mariam.

Abdirashid Ibrahim Sh.Abdirahman

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here