Shirka Somaliland iyo Somalia Ee Turkiga Oo Ay Caqabad Ku Noqdeen Xubno Reer Somaliland Ah Oo Dawladda Xamar Soo Diratay

0
794

Istanbul, (HargeisaPress) — Shirkii Somaliland iyo Somalia oo la filayay inuu ka furmo Dalka Turkiga ayaa wali u furmi la Xubno Reer Somaliland ah oo Dhanka Somalia matalaya. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay inaanay hor fadhiisan karayn Weftiga Somalia ilaa laga saaro 4 Xubnood ee Reer Somaliland ah oo Xamar u shaqo tagay haatana Matalaya Somalia. Waxa uu sheegay in galinka dambe ee Axadda shirku furmo ilaa barrina uu socdo balse waxa uu sheegay in wali caqabadaasi taagan tahay.

Dawladda Xamar ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay dhiiri galinayso in wada hadaladu furmaan, balse wasiir Maxamed Biixi ayaa sheegaya inay u arkaan Qorshahan Somalia la timid ee ah in Xubno reer Somaliland ah meesha la keeno mid lagu burburinayo wada hadalada. waxa uu sheegay inay hore u ogaayeen inaan Somaliland marnaba miis la fadhiisanayn dad reer Somaliland ah oo Xamar matalaya.

“Dawladda Turkiga iyo Iyagaba(Somalia) waanu u sheegnay in Shirkan dhici doonaa yahay Shir Somaliland iyo Somalia ah oo labada waddan is hor fadhiisanayaan, Somaliland-na aanay marnaba Ogolaanayn in Niman Somaliland u dhashay inay shirka soo fadhiistaan.Markaa waxaanu filaynaa inuu noqdo Shir lagaga wada hadlo waxyaabihii faraha badnaa ee ay fulin waayeen ee ay ka baxeen lagaga wada hadlo” ayuu yidhi Wasiirka Oo BBC-da la hadlay.

Wasiirku waxa uu sii sababeeyay diidmada Somaliland ee Xubno reer Somaliland ah oo Soomaaliweyn u shaqo tagay “Annagu diyaar uma nihin mana Ogolaanayno oo sharciyan, annagu dad Somaliland ka soo jeeda oo Xamar tagay lama fadhiisanayno, Somaliland xuduud cayiman ayay leedahay oo ah dhulkii Ingiriisku haysan jiray, markaa wixii dhulkaas u dhashay ee reer Somaliland ah annagu shirkan la fadhiisan mayno, waxaanu la fadhiisanaynaa dadka ah Dhulkii Talyaanigu haysan jiray ee Somalia la yidhaa haddana aanu doonayno inaanu laba Waddan oo kala gaara oo kala ambabaxa u wada hadalno” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in Arrimaha Masiiriga ah ee ajanduhu ahaa arrimo ka horeeya laga wada hadlayo “Arrimaha Masiiriga ah horena miiska way u saarnayd haddana way saaran tahay laakiin, arrimaha ka horeeya ee aanu Xallinayno waxaa ka mid ah awal hore wuxuu Turkigu iskugu kaayo yeedhaa laba wadan oo kala gaar ah oo siman oo labaaas wadan wada hadlaan, wixii hore loogu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in wixii Af Xumo ah la iska ilaaliyo laakiin, af xumooyin faro badan ayaa warqad ay soo qoreen ku jirtay arrimahaas baanuna ka wada hadlaynaa”

Wasiirka ayaa iftiimiyay in arrimihii Jabuuti ay ku kala saxeexdeen Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia ee ahaa in shirkan lagaga hadlo Arrimaha Masiiriga ah ay soo daba mareen qodobadii hore loogu heshiiyay oo aan hir galin in haddana laga sii wada hadlo.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here