Boqor Buurmadow Oo Cunsuriyad Ku Eedeeyay Shirkad Xukumaddu Damacsan Tahay Inay Dekedda Berbera Ku Wareejiso

0
904

Hargeysa, (HargeisaPress) —Boqor Cismaan Buurmadow, oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa xukumadda ugu baaqay inay bulshada fahansiiso kuna wacyi galiso Heshiisyada ay ku wareejinayso Dekedda Berbera, sidoo kalena uga digay inay ku wareejiso Shirkadda Faransiiska ah ee Xukumaddu wada hadalka kula jirto. Waxa uu shirkaddaasi ku eedeeyay inay tahay Mid cunsuriyad ah oo ka qayb qaadatay Gumaysigii reer Yurub Africa ku qabsaday.

“Waxa maalmahan laga hadlayey dekadda magaalada Berbera iyo maal gashigeeda. Anigu waxaan qabaa inay dawladu marka hore ka shaqaysiiso dekaddeena yar ee jirta, waanan aragnaa dawlado badan oo danaynaya sida Ethiopia,  waxaanan qabaa inaanay wali furfurnayn siyaasadii lagu isticmaali lahaa  dekadeena waana inay dawladu dabciso sidii loo isticmaali lahaa dekedan, ta labaad waynu u baahanay in dekada la balaadhiyo laakiin, inaynu ka darno maaha, anigu waxaan qabaa dawladaha aynaan is diidi Karin dhaqan ahaan dekada in la balaadhiyana aan diidi Karin  mid kale ayaa laga dhinac furi karaa, arinkaasina waxa uu u baahan yahay arin degan oo loo bislaaday shacabkana loo bisleeyo in lagu deg degana maaha ee waa in laga fiirsado.” Ayuu yidhi boqor Buurmadaw oo hadal ka jeedinayay Munaasibad Hargeysa loogu qabtay Fannaaniin reer Jigjiga ah.

Sidoo kale waxa uu eedayn u jeediyey shirkadda la damacsan yahay in lagu wareejiyo dekedda Berbera waxaanu yidhi “Waxaan ka digayaa qoladan la yidhaahdo Palore ee faransiiska ah, waana shirkadihii ka qayb galay adoonsiga markii Afrika lagu qaybsanayey Berlin, waana dadkii adoonsiga ka qayb galay meelihii ay ka hawl galena adoonsigii ayey kula dhaqmeen, dad hufana maaha cunsuriyad ayaa aad uga muuqata  waxaanan odhan lahaa xukuumadu heshiisyada ay la galayso qoladaas aad hawga fiirsato aad iyo aadna waan uga dayrinayaa waanan ka cabsi qabnaa laakiin maal qabeenada iyo dawladaha kale ee danaynaya waan soo dhawaynayaa xukuumaduna iyada ayaa xaq u leh inay cid heshiis la gasho laakiin niman  caalamku tijaabiyey sida Palore oo kale in wax lala galo waanu ka digaynaa, waxaanan qabaa rag badan oo waa weyn ayaa dabada ka riixaya in shirkadan heshiis lala galo  waana ka digayaa waxaanan leeyahay maanta oo aynu marayno 2015 uma baahnin gumaysi cusub.”ayuu yidhi boqor Cismaan Buur Madaw.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here