Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Oo La Soo Gebagabeeyay

0
945

Burco (Hargeisa Press.com): Shirweynihii labaad ee golaha dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo Sabtidii shalay ka furmay magaaladda Burco ayaa maanta la soo gebagabeeyay.

Waxaana gebagabadda shirkaasi lagu soo doortay xubno ka tirsanaan doona golaha dhexe ee xisbiga Waddani, iyadoo masuuliyiin hore xisbiga uga tirsanaana xilalka laga qaaday, isla markaana xisbiga laga saaray.

Shirweynahan golaha dhexe ee Waddani waxaa ka soo qayb galay boqolaal ergooyin ah oo meello kala duwan ka kala yimid, hogaanka sare  ee xisbigaasi, xubnaha golaha dhexe, wakiiladda xisbiga Waddani ee goboladda dalka iyo qaar ka mid ah wakiiladda wadamadda dibadda.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka soo qayb galay xubno laga soo casuumay labadda xisbi ee UCID iyo Kulmiye iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo aqoon yahano uu ka mid ahaa Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo boqolaal ka mida taageereyaasha xisbigaasi.

Munaasibadii furitaanka shirkii shalay ee Waddani waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo ay ka jeediyeen hogaanka xisbiga Waddani, ergooyinkii lagu soo casuumay iyo sidoo kale aqoon yahamiintii kale.

Musharaxa jagadda madaxweynaha ee xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirkaasi ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka, siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Halkan Ka Daawo Khudbadii C/raxaam Cirro Oo Dhinacyo Badan Taabanaysa:

Dhinaca kale shirka golaha dhexe ee Waddani oo maanta soo xidhmay ayaa laga shaaciyay in wax ka bedel lagu sameeyay xeerka xisbiga. Waxaana qodobadda wax ka bedelka lagu sameeyay akhriyay siyaasi Xuseen Axmed Caydiid.

Sidoo kale waxaa halkaas laga akhriyay qodobo ka mid ah sababihii kalifay in xilka laga xayuubiyo xoghayihii hore ee xisbiga Maxamed C/laahi Uurcade iyo qodobadda xeerka xisbiga ee uu Uurcade jebiyay.

Daawo Xuseen Axmed Caydiid Oo Akhrinayay Qodobadda Xeerka Xisbiga Ee Wax Ka Bedelka Lagu Sameeyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here